ames Swan iyo Biixi oo ka wadahadlay soo celinta wada shaqaynta labada dhinac

0
Thursday November 05, 2020 - 17:06:56 in Wararka by
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ames Swan iyo Biixi oo ka wadahadlay soo celinta wada shaqaynta labada dhinac

    Qaramada Midoobay iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabay wadahadal ku saabsan shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN-ka iyo hay'adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabay wadahadal ku saabsan shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN-ka iyo hay'adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

Madaxweynaha soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mr. James Swan ayaa khadka taleefoonka ku wadahadlay, iyagoona arrimo badan isla meel dhigay.

Sidoo kale Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan go’aankii ay Somaliland ku hakisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adaha QM, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Madaxweynaha Soomaaliland iyo James Sawan ayaa sidoo kale kulankooda si gaar ah diirada uga saaray sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka iyo macaamiilka ka dhexeeya labada dhinac.

James Swan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dib loo soo celiyo iskaashiga ay lahaayeen hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Somaliland, si hore loogu sii socdo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliland uu ku adkeystay dhankiisa shuruudihii uu horey u soo bandhigay ee ahaa in sida dal oo kale loola macaamilo



Somaliland ayaa waxay joojisay dhammaan hawlihii la xidhiidhay Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee UNCF ee ay kala saxeexdeen Qaramada Midoobay iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip