SAWIRO:- Banaanbax ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Galgaduud

0
Thursday November 05, 2020 - 16:54:39 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:- Banaanbax ka dhacay degmo ka tirsan Gobolka Galgaduud

    Banaanbaxaan oo ahaa mid nabadeed ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degmada Cabudwaaq oo ku taalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka galmudug, iyada oo ay ka qeyb-galeen inta badan Bulshada degmadaas. Boqolaal kamid ah dadka ku nool degmada Cabud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbaxaan oo ahaa mid nabadeed ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degmada Cabudwaaq oo ku taalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka galmudug, iyada oo ay ka qeyb-galeen inta badan Bulshada degmadaas. Boqolaal kamid ah dadka ku nool degmada Cabudwaaq oo isugu jira, Arday, Ganacsato iyo Maamulka degmada ayaa waxaa ay banaanbaxa ka dhigeen xaafadaha kala duwan ee degamdaasi, iyaga oo socod ku maray wadooyinka degmada Cabudwaaq.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa ka soo horjeday dil maalma ka hor bartamaha degmada Cabudwaaq loogu geystay laba Qof oo Shacab ahaa, iyaga oo sheegay in ay tahay wax laga xumaado in wasqtigaan colaad beeleed laga huriyo degmada Cabudwaaq iyo degaannada hoostaga.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin, jooji dhiiga walaalkaa, walaalkaa dile nabad maleh, Nabad waa nolol, Qoriga dhig ee qaado nabadda iyo Erayo kale.

Qaar kamid ah dadka banaanabax ka qeyb galay oo hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay Bulshada Cabudwaaq u baahan yihiin Nabad ku noolaasho, isla markaana aysan dan ugu jirin falalka amni darro ee ka dhacay Magaalada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo banaanbaxa ka qeyb-galay ayaa Bulshada waxaa ay ugu baaqeen inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip