Madaxweynaha Somaliland oo amray Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:43:02 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo amray Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka

    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka. Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka. Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020; Markaan Tix-geliyey: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/20; Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Waxaan Go'aamiyey; In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip