Musharax sheegay boorarkii uu ku dhegsaday Muqdisho in la fujiyay

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:41:01 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax sheegay boorarkii uu ku dhegsaday Muqdisho in la fujiyay

    Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay fujiyeen boorar uu ku dhegsaday Muqdisho oo uu ku muujinayay in uu yahay Musharax Madaxweyne. Waxaa uu ugu baaqay bulshada Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay fujiyeen boorar uu ku dhegsaday Muqdisho oo uu ku muujinayay in uu yahay Musharax Madaxweyne. Waxaa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan gabood fal uu sheegay in loo geystay.






War uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan canbaareynayaa gabood falka ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharraxnimada xilka Mdaxweynimo ee aan sannadka 2021-ka u taaganahay. Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka lahayd u sheegay in uu amar kaga yimid Madaxtooyada.

Naguma cusba dulqaad la’aanta musharrax Madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u simanyihiin musharraxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay.

Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horu dhac ah u tahay waxa uu maagan yahay musharrax Madaxweyne Maxamad Farmaajo.

Waxaan ugu baaqaynaa taageerayaasheyada, musharraxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay falkan gurracan si isku mid uga dhiidhiyaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip