Wasiir hore oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:38:07 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir hore oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle

    Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow doortay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle. Xildhibaanada Baarlamaanka Hirsbabeelle ayaa udoortay Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow doortay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle. Xildhibaanada Baarlamaanka Hirsbabeelle ayaa udoortay Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka HirShabeelle, waxaana uu ka guuleystay Canab oo horay u aheyd gudoomiye ku xigeenka labaad. Kurigaan ayaa ahaa mid si weyn isha loogu hayay iyadoo Canab ay kursiga ugu fadhiday awood qeybsiga degaanka Jawiil, waxaana ay isku degaan yihiin Mahad taliyaha NISA. Mahad ayaa horay usoo noqday Wasiirka warfaafinta hirshabeelle. Xildhibaanada Baarlamaanka Hirsbabeelle ayaa udoortay Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame. Xildhibaanada ayaa sidoo kale maanta doortay gudoomiyaha baarlamaanka oo loo doortay Cabdixakiin Luqmaan. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip