Howlgal lagu baadi goobayo maleeshiyaad dil geystay oo bilaawday

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:36:41 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal lagu baadi goobayo maleeshiyaad dil geystay oo bilaawday

    Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida & Milalteriga Soomaaliya ayaa waxaa ay ka bilaabeen howlgallo Gobolka Galgaduud howlgal lagu baadi goobayo maleshiyaad hubeysnaa oo xalay dil ka geystay degaano ka tirsan gobolkaas. Maleeshiyaadka hubeysnaa o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida & Milalteriga Soomaaliya ayaa waxaa ay ka bilaabeen howlgallo Gobolka Galgaduud howlgal lagu baadi goobayo maleshiyaad hubeysnaa oo xalay dil ka geystay degaano ka tirsan gobolkaas. Maleeshiyaadka hubeysnaa oo u baxsaday degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay laba Ruux ku dileen inta u dhaxeysa degaannada Xananbuure & Miirajiicle, dilkaas oo la sheegay in uu la xiriiray aanooyin qabiil oo ka jira degaano ka tirsan Galmudug. Saraakiil ka tirsan Ciidamada howlgalka kujira ayaa waxaa ay sheegen in maleeshiyaadka dilka geystay ay ku dhuumaaley sanayaan aaga degaanka Bohol ,hayeeshee Ciidamada dowladda aysan ka hari doonin ilaa iyo inta ay gacanta uga soo dhigayaan. Dadka degaannada Xananbuure & Miirajiicle ayaa waxaa ay sheegeen in manta degaannadaas siweyn looga dareemayo xiisado colaadeed oo salka ku haaya dilak loo geystay labada Ruux. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip