Sheekh Shariif" Waa in si deg deg ah loo xaliyo tabashada kajirta doorashada Hir-Shabeelle"

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:34:31 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif" Waa in si deg deg ah loo xaliyo tabashada kajirta doorashada Hir-Shabeelle"

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddo todobaad gudahiis ah laba jeer tegay magaalada jowhar ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay u jeedka safarka uu Maanta ku tegay halkaas. Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddo todobaad gudahiis ah laba jeer tegay magaalada jowhar ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay u jeedka safarka uu Maanta ku tegay halkaas. Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlayJowhar ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan howlo dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah & in la xaliyo dadka tabashada ka qaba dhismaha Hir-Shabelle. Waxaa uu sheegay in safarkiisa ay ku wehliyaan Siyaasiyiin & Odayaal kasoo jeeda, kuwaas oo doorweyn ka qaadan doono sidii si nabad ah ay ugu dhici laheyd doorashada hir-Shabeelle.



"Wax walba waxaa ay ku fiican yihiin in la xaliyo inta ay taagan yihiin, hadii aan hadda la xalin waxa Hir-Shabeelle kajira waxyaabo kale ayaan imana karo, waxaana rajeynayaa in doorashada Hir-Shabeelle ku dhacdo si nabad ah ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Hadalkan ayaa xilliga uu sheegayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa garbahiisa taagnaa Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ah musharax Madaxweyne & Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kamid ahaa wafdiga la socday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip