Somaliland oo xukun ku riday Milkiilaha Astaan TV

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:31:15 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo xukun ku riday Milkiilaha Astaan TV

    Maxkamadda Gobolka ay Soomaliland u taqaano Maroodi-jeex ayaa Maanta Milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Yuusuf waxaa ay ku riday ku xukuno kala duwan. Maxkamadda ayaa ku riday Milkiilaha Astaan TV 5 Sano oo Xarig ah in Xarumaha Astaan TV ee degan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka ay Soomaliland u taqaano Maroodi-jeex ayaa Maanta Milkiilaha Astaan TV Cabdimanaan Yuusuf waxaa ay ku riday ku xukuno kala duwan. Maxkamadda ayaa ku riday Milkiilaha Astaan TV 5 Sano oo Xarig ah in Xarumaha Astaan TV ee degannada Soomaaliland la xayiray iyo Ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah Shillinka Soomaaliland. Illaa iyo hadda lama sheegin sababta uu ku mutaystay ciqaab intaas le'eg, Milkiilaha Astaan TV kaas illaa bishii July ee sanadkaan ku xirnaa xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa. Qareenada u doodayay Cabdimanaan Yuusuf ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku riday milkiilaha Astaan TV, waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay. Dhinaca kale, ururka saxaafada Somaliland ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan, waxayna ku tilmaameen xadgudub weyn iyo cadaalad darro. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip