Sheekh Shariif oo lagu soo dhaweeyay Magalada Jowhar

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:29:53 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo lagu soo dhaweeyay Magalada Jowhar

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay Maanta gaaraan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Sheekh Shariif ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay Maanta gaaraan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay. Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa qeyb ka ah Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Hiiraan & Taliyihii hore ee Hay'adda Nabadsugida & Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa Wafdiga kusoo dhaweeyay Xubno uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle, iyada oo intaasi kaddib la geeyay Wafdiga mid kamid ah Hoteelada Magaalada jowhar. Ujeedka safarka uu Magaalada Jowhar ku tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan reer Hiiraan ee ku aadan dhismaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii la soo dhaafay waxaa uu tegay Magaalada Jowhar, isaga oo la kulmay Duubbaka Dhaqanka Hir-Shabeelle ee Baarlamaanka soo xulay iyo Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle oo u sharaxan xilka Madaxweynaha maamulkaas, isaga oo ka dalbaday in la hakiyo howlaha doorashooyinka si dib u heshiisiin loogu furo beelaha degan degaannada Hir-Shabeelle. Safarkaan uu Maanta ku tagay Magaalada Jowhar Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta halkaasi ka bilaabatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip