Ilhaan Cumar oo markale dib loo doortay

0
Wednesday November 04, 2020 - 18:18:04 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar oo markale dib loo doortay

    Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii. Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii. Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay. Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen. Dhanka kale waxaa weli socota tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee waddankaasi Mareykanka, iyadoo laga dhursugayo oo haatan ay diiradda saaran tahay gobollada aadka loogu loolamayo. Waxaa jiro gobollo aana dhinacna raacsanayn oo haddii musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu doonayo inuu xilka kala wareego Madaxweyne Trump ay tahay inuu ku guulaysto. Iyadoo ku dhawaad boqolkiiba 96 la tiriyay codadka doorashadii gobolka Florida, ayaa Mr Trump waxa uu u muuqanayaa inuu waxoogaa ka horreeyo ninka ay tartamayaan hasayeeshee weli dhinacna looma ridi karo arrintaasi. Gobollada kale ee aadka loogu loolamayo waxaa ka mid ah North Carolina, Pennsylvania, Ohio iyo Michigan. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip