Dowladda Soomaaliya oo dalbatay taageero dhinaca Amniga ah

0
Tuesday November 03, 2020 - 22:06:44 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo dalbatay taageero dhinaca Amniga ah

    Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa maanta magaalada muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Denmark ee Soomaaliya Mudane Ole Thonke. Labada masuul ayaa intii kulankooda uu u socday waxey ka wada-hadleen a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa maanta magaalada muqdisho kula kulmay Danjiraha cusub ee Denmark ee Soomaaliya Mudane Ole Thonke. Labada masuul ayaa intii kulankooda uu u socday waxey ka wada-hadleen arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka Denmark ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda amniga iyo taageerada ay siiso hay'adaha amniga ee dowladda. Danjiraha cusub ayaa ku ammaanay wasaaradda amniga dadaallada ay ku xoojineyso amniga guud ee dalka iyo dagaalka ay kula jirto maleeshiyada argagixisada. Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ugu hambalyeeyay danjiraha cusub xilka loo soo magacaabay isagoo uga warbixiyay guulaha dowladdu ay ka gaartay amniga iyo Dib u habeynt ciidamada. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip