DFS oo sheegtay inay bilaabeyso qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa

0
Tuesday November 03, 2020 - 22:04:17 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS oo sheegtay inay bilaabeyso qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa

    Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Wasiirka Beeraha Daaqa & Dhirta Galmudug Axmed Nuur Xaaji , iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah. Kulankooda ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Wasiirka Beeraha Daaqa & Dhirta Galmudug Axmed Nuur Xaaji , iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah. Kulankooda ayaa sigaar ah waxaa diirada loogu saaray, sidii Wasaaradda Beeraha dowladda federaalka iyo tan Galmudug ay u kordhin lahaayeen la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato ku haya degaano ka tirsan Maamulka Galmudug. Wasiirka Beeraha Daaqa & Dhirta Galmudug Axmed Nuur Xaaji ayaa sheegay in degaannada Galmudug uu dhibaato xoogan ku haayo Ayaxa, isla markaana uu baabi'iyay dalagyo ku beernaa Beero ku yaalla degaano ka tirsan Maamulkaas. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid yaa dhankiisa sheegay in Ayaxa maalmihii la soo dhaafay uu dalka Soomaaliya kasoo gelayay dhinaca Yemen , isla markaana uu qorshahoodu yahay in la kordhiyo howlgallada iyo dagaalka ka dhanka ah Ayaxa maadaama dhibaatooyin kala duwan uu geysanayo Waxaa uu sheegay in degaano badan oo ka tirsan Galmudug ay ka socdaan howlgallo lagu buufinayo Ayaxa, waxaana uu sheegay in maamulada kale ay kala hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha lagula dagaalamayo Ayaxa. Degaano ka tirsan Maamulada Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa waxaa dhibaato daran ku haayay todobaadyadii la soo dhaafay Ayaxa, kaas oo baabi'iyay dalagyo ku yaalla beeraha degaano ka tirsan labada Maamul. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip