Shirkadaha Sokorta Hindiya oo Dhiirri-gelinaya Isticmaalka Sokor Badan

0
Tuesday November 03, 2020 - 22:03:14 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha Sokorta Hindiya oo Dhiirri-gelinaya Isticmaalka Sokor Badan

    Shirkadaha soo saara sokorta ee dalka Hindiya ayaa dalkaas ka billaabay olole ay ku dhiirrigelinayaan dadka dalkaas inay cunaan sokor badan. Ururka ay ku bahoobeen shirkadahan (ISMA) ayaa sheegay inay doonayaan inay meesha ka saaraan fakradaha lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadaha soo saara sokorta ee dalka Hindiya ayaa dalkaas ka billaabay olole ay ku dhiirrigelinayaan dadka dalkaas inay cunaan sokor badan. Ururka ay ku bahoobeen shirkadahan (ISMA) ayaa sheegay inay doonayaan inay meesha ka saaraan fakradaha laga aaminsan yahay sokorta iyo saameynta ay caafimaadka ku leedahay. Celcelis ahaan, dadka Hindiya waxay cunaan 19kg sanadkii, taas oo ka hooseysa inta caalamka laga cuno. Welina, Hindiya waa dalka ugu weyn dunida ee laga cuno waxyaabaha macmacaan. Wax soo saarka Hindiya ayaa la filayaa inuu kor u kaco 13% sanadkan oo uu gaaro 31m oo tan, balse dowladda ayaa sheegtay inay joonin doonto lacagaha ay ku kabto dhoofinta sokorta si loo iibiyo inta haatan bakhaarrada ku jirta. Barta ay internet-ka ku leeyihiin ISMA ayaa waxaa lagu soo daabacaa maqaallo gaagaab oo cinwaan looga dhigay "Cun, Cab & Caafimaad Qab: In yar oo sokor ah ma xuma". Sidoo kale ololahan waxaa qeyb ka ah in baraha bulshada la soo dhigo cunto kariyeyaal caan ah iyo tabarayaal caafimaadka oo ka sheekeysanaya nolol caafimaad leh. Waxay cunto kariyeyaashu sameeyaan waxyaabaha mac macaan, iyadoo dadka laga wacyi gelinayo waxyaabaha macmalka ah ee wax macaaneeya, oo la leeyahay dadka kama caawiyaan inay miisaanka iska dhimaan, ee waxay kugu yeelan karaan khatar caafimaad. Sokorta waxaa lala xiriiryay dhibaatooyin kala duwan oo caafimaad, sida cayilka iyo xanuunka macaanka. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka walaacsan shirkadaha cabitaannada iyo cuntada ku dara waxyaabo ay ku sheegaan inaysan sokor lahayn, oo ay xitaa ku daraan malabka iyo khudradda. Ilaa 50 milyan oo beeraleyda Hindiya ah ayaa beera qasabka, iyadoo malaayiin kalena ay warshadaha sokorta ka shaqeeyaan amaba dhoofinta sokorta. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip