Dagaalka Qowmiyadaha ee Ethiopia oo meeshii ugu saraysay gaaray.

0
Tuesday November 03, 2020 - 22:00:54 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Qowmiyadaha ee Ethiopia oo meeshii ugu saraysay gaaray.

    Ugu yaraan 100 qof oo ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada ayaa lagu dilay weerar maalin ka hor, 1-dii bishan November ay qaaday koox la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Jabhadda hubeysan ee Oromo Liberation Army oo magaceeda loo soo gaabiyo (OLA).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 100 qof oo ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada ayaa lagu dilay weerar maalin ka hor, 1-dii bishan November ay qaaday koox la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Jabhadda hubeysan ee Oromo Liberation Army oo magaceeda loo soo gaabiyo (OLA). Weerarkaas waxa uu ka dhacay tuulo lagu magacaabo Gawa-Qanqa oo hoos tagta degmada Guliso ee dhacda galbeedka gobolka Wellega Zone ee dalka Itoobiya. Kooxdaas waxay weerarka qaaday maalin kadib markii ciidamada milteriga dowladda dhexe ee Itoobiya ay isaga bexeen aaggaas, iyagoo aan shaacin sababta bixitaankooda. Dad ku sugan deegaanada dadkaas lagu laayey ayaa warbaahinta u sheegay in tobaneeyo rag, dumar iyo carruur isugu jira la dilay, hanti badan la dhacay, isla markaana ay kooxdu gubtay oo dab qabadsiiday wixii ay qaadi weysay. "Weerarkan macno darrada ah ayaa ah kii ugu dambeeyay ee taxane dilal dalka ka dhaca, kaas oo xubno ka tirsan qowmiyadaha tirada yar si ula kac ah loola beegsaday. Xaqiiqda ah in dhacdadan foosha xun ay dhacday waxyar kadib markii ciidamada dowlada ay si lama filaan ah uga baxeen aaga duruufo aan la fahmi karin ayaa keenaya su'aalo ay tahay in laga jawaabo" waxaa sidaas yiri Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Sarkaalkaas ka tirsan Amnesty ayaa mas'uuliyiinta dowladda Itoobiya ka dalbaday inay baaraan wixii dhacay oo ay maxkamadeeyaan kuwa mas'uulka ka ahaa weerarkaas, weliba si cadaalad ah. "Amnesty International waxay la hadashay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkii foosha xumaa ee ka badbaaday geerida iyagoo ku dhuumaaleystay keyn ku dhow. Waxay sheegeen in kooxda weerarka soo qaaday ay cadeeyeen inay yihiin OLA oo ay sheegeen inay 'gacanta ku hayaan' aagga ay ciidamada dowladdu baxeen 31-kii October" ayuu yiri Agaasime Deprose Muchena. 100-ka qof waxaa la sheegay in kooxdu isugu geysay inta aysan leyn xarun School oo deegaanka ku taalla, kadibna ay ku dhex dileen, badankoodna waxay ahaayeen dadkii aysan u suurta-gelin inay cagahooda ku baxsadaan, oo waxay u badnaayeen haween, carruur iyo dad waayeel ah. Mid ka mid ah dadka ayaa u sheegay Amnesty International in la dilay seddax ka mid ah eheladiisa – aabihiis, walaashiis iyo xaaskiisa awoowgeed. Mid kale wuxuu yiri, "Waxaan waayey walaalkey, dumaashidey iyo seddax caruur ah oo ay kujiraan adeer iyo ilma adeer. Meydadkooda waxaa laga dhex helay barxada iskuulka oo ay ka muuqdaan dhaawacyo rasaas ah." Ugu dambeyntii Deprose Muchena oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hey'adda Amnesty Internation oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixintiisa ku yiri, "Dowladda Ethiopia waa inay xoojisaa dadaalkeeda si loo joojiyo weerarrada hubeysan ee lagu hayo kooxaha laga tirada badan yahay, loona ilaaliyo naftooda, loogana hor-tago burburka guryahooda, kaliya ma ahan Oromiya, laakiin guud ahaan dalka xaaladaasi way ka jirtaa. ./


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip