Alshabaab oo sheegtay qarax lagu diley sarkaal ka tirsan dowlada federalka

0
Tuesday November 03, 2020 - 19:23:43 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo sheegtay qarax lagu diley sarkaal ka tirsan dowlada federalka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay qarax ku dileen guddoomiye ku xigeenkii Deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah xilli uu marayay waddo ku taalla deegaanka Siinka-dheer.

Warar ay ku qoreen baraha taageera AlShabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in qaraxaas ay ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Mas’uulka lagu diley qaraxa ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xuseen,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, hase yeeshee qaraxaas ayaa waxaa uu ka mid noqonayaa qaraxyo hore uga dhacay duleedka Muqdisho oo khasaaro geystay





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip