Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS

0
Tuesday November 03, 2020 - 19:14:48 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS

    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa waxaa loo sameeyey Xaflad soo dhaweyn ah, waxaana ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururada Dhalinyarada, Ururada Haweenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa waxaa loo sameeyey Xaflad soo dhaweyn ah, waxaana ka soo qeybgalay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururada Dhalinyarada, Ururada Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Xafladda soo dhaweynta Prof Maxamed Cali Ibraahim oo ku dheeraaday kartida, Aqoonta iyo Waayo aragnimada uu leeyahay Wasiir Khaliif Cabdi Cumar, waxa uuna u rajeeyey in uu Xilka Rabi u fududeeyo.

Xildhibaam Maryan Haaruun oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bogaadisay xilka loo dhiibay, waxa ayna kula dardaarantay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka ka jira Arrimaha ganacsiga.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa ugu danbeyn ka Mahad celiyey xafladda soo dhaweynta ee loo sameeyey waxa uuna ballan qaaday in si hufnaan leh in uu u gudandoono waajibaadkiisa shaqo ee saaran.

Xafladdaan waxaa soo agaaasimay soona qabanqaabiyey Ganacsato, Dhalinyarada Aqoonyahanada waxa ayna ugu talagaleen in ay muujiyaan Taageerada ay u hayaan Wasiir/Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

soo dhoweynta wasiirka ganacsiga


 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip