Shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay oo furmay

0
Tuesday November 03, 2020 - 11:13:08 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay oo furmay

    Odayaasha, Waxgaradka & Maamulka degmada Tuliguuleed ayaa waxaa u furmay kulan looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay degmadaaas iyo tuulooyinka hoostaga. Kulanka oo maalmo socon doona ayaa waxaa goobjo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha, Waxgaradka & Maamulka degmada Tuliguuleed ayaa waxaa u furmay kulan looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay degmadaaas iyo tuulooyinka hoostaga. Kulanka oo maalmo socon doona ayaa waxaa goobjoog ka ah Qaar kamid ah Bulshada degmada Tuliguuleed, xidhibaano heerdeegan ah, maamulka dagmada tuli guuleed iyo Odayaasha & Waxgaradka degaanka. Kulanka inta uu socdo ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlayaa in ay bulshada dagan nawaaxiga dagmada tuliguuled ay ilaaliyaan nabadgaliyada iyo xasiloonida Aagaasi iyo bulshooyinka dariska la ah dagmada tuliguuleed. Odayaasha Dhaqanka & Maamulka degmada Tuliguuleed ayaa waxaa ay isku raaceen in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo hurineysa colaad beeleed, isla markaana ka hor-imaaneysa xasiloonida. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip