HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 3-NOV-2020

0
Tuesday November 03, 2020 - 11:04:19 in Wararka by
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 3-NOV-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Rooble oo Amar dul-dhigay Maamulka Gobolka Banaadir

    R/Wasaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Roo ble oo xafiiskiisa ugu yeeray Guddoonka G/Ban aadir ayaa faray inay deg deg wax uga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah jidad ka muhiimka ah ee Caa simadda.

R/Wasaaraha ayaa Tac si u diray qoysaska 3 ru ux oo ku geeriyooday Roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay M/ Muqdisho, isagoo maamulka G/Banaadir faray inay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka dan yarta ah ee roobabku waxyeelleeyeen.

     "Waxaan isugu kiin yeeray dardar gelinta howlaha aad u haysaan shacabka oo maalm ahan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dha nka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Si doo kale waxaa la idin ka sugayaa in aad gur mad deg deg ah la gaartaan dadkeenna ay wax yeeleeyeen Roobabka ka da’ay Gobolka.”

    R/W/re Rooble ayaa maamulka G/Banaadir ku boorriyay in dadka caasimadda la siiyo ade eg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, isagoo yi ri” Waxaan idinku boorrinayaa in dadka magaal adan jooga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtodii wax loogu qabtay”

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la diiwaan geliyay

      Guddiga doorashooyinka G/B/D/G/Hir-Shab eelle ayaa waxaa ay Shalayta shahaadada mu sharaxnimo siiyaan musharixiinta Guddoomiya ha Baarlamaanka Hirshabelle & kuxigeenadiisa

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Gud doonka Baarlamaanka 2aad ee Hir-Shabeelle Xildhibaan Yuusuf Sh. Xasan Macalin ayaa sha haadada musharaxnimo guddoonsiiyay lix mu sharax oo u taagan Guddoomiyaha iyo kuxige enadiisa, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.

1:Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxa med oo u tartamayo Jagada G/ha Baarlamaan ka Hirshabeelle.2:Xildhibaan Maxamed Maxa muud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka 2aad Ee Hirshab elle.

3:Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame oo u tart amaya Jagada G/ku xigeenka 1aad ee Baarla maanka 2aad Ee Hirshabeelle.

4:Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada G/kuxigeenka 1aad ee Baa rlamaanka 2aad Ee D/G/Hirshabeelle .

5:Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan oo u tart amaya G/kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee DG/Hirshabeelle .

6: Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tar tameysa G/ku xigeenka 2aad ee B/2aad Ee D/G/Hirshabeelle.Dhamaan musharixiinta u taa gan qabashada xilka G/Baarlamaanka Hir-Shab eelle ee la diiwaangeliyay ayaa la filayaa in Maalinta berito ah ay jeediyaan khudbadahooda musharaxnimo halka Arbacada la qabanayo do orashada G/B/2aad ee Hir-Shabeelle.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo jawaab kulul siiyay Feysal Cali Waraabe

    Wasiirka WW/ta XF SMd. Cismaan Dubbe ay aa jawaab kulul u diray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Soomaaliland, Eng Fe ysal Cali Waraabe. Eng Feysal Cali Waraabe ayaa kulan Beeleed ka dhacay M/Nayrobi ee da lka Kenya oo looga hadlayay Arrimaha door ashooyinka Soomaaliya waxaa uu ka sheegay inay qasab tahay inay saami weyn ku yeeshaan awood qeybiag Beelaha Soomaaliyeed,isla mar akaana ay kasoo dhex muuqdaan sida beelaha kale.

 "75 Xildhibaan bay nu leenahay, waa inaan ka muuqanno awood qa ybsiga Soomaaliya, madaxweyna ha iyo Raysal wasaaraha dad baa qaata in nala mid ah oo 4.5 innala ah, waa in aan doorkan xoojinno taas ayuu yiri ” Feysal Cali Waraabe.

     Hayeeshee waxaa hadalkaas ka jawaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS.Md. Cis maan Dubbe, waxaana uu sheegay in dhaqan ahaan in beelaha shiraan ay tahay wax wanaa gsan, balse ay ka dhex muuqdeen rag muddo 30 sano ah hortaagnaa midnimada Soomaaliya.

    "Dad badan baa i soo weydiiyey shir ka’ dha cay Nayrobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la’ fahmi karo in dhaqan ahaan Bee luhu u shiraan, qaybaha kala duwan ee bulshad una mar walba way shiraan, wayna la shaqeey aan dowladooda. Laakiin waxa indhaha dadwey nuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shac abka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano, ee weliba cuqdadda iyo xuShalay ku dhex beera yey, ee laga kari waayey walaalayaalow kaala ya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qa yb-qaata inay hadda shirarka beelaha iyo Nay robi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen mad ow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

       Ugu dambeyn W/W/Warfaafinta XFS Md. Dubbe ayaa waxaa uu ugu baaqay Xubnaha ka qeyb galay Shirkaas inay soo dhawaadaan oo dhinacooda ka raadiyaan midnimada Somaliya.

R/ Wasaare ku xigeenka oo dhagax dhigey dib-u-dhiska Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta

     R/wasaare ku xigeenka XFS Md.Mahdi Max amed Guuleed (Khadar) oo dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go’an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay’ad aha dowladda ee ku burburay dagaallada. Md Mahdi ayaa sheegay in 2da wasaaradood ay mu hiimad weyn u leey ihiin dalka, una mahad celi yey cid walba oo gac an ka geysanaysa dib-u-dhiskooda.

     "Dib-u-dhiska dhiska xarunta W/ha Cadaa ladda &Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuuma ddu ay ahmiyad gaar ah siineyso”.

     Dhismaha W//ha Cadaaladda &Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuud ka u yihiin Shaqaalaha dowladda.

Taliye xijaar oo qorshe la xiriira doorashada ka billaabay Puntland

     Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa bil aabay dar-dar galinta howsha loo idmay ee la xi ririta sugidda amniga goobaha doorashooyinka, wuxuuna markaan ku sugan yahay M/Garowe ee D/G/Puntland.Taliyaha CBS, JenXijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga ca asimada maamulka Punt land ee Garoowe, ay aa kulan la qaatay Madaxwe yne kuxigeenka Punt la nd, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

     Ku-simaha madaxweynaha iyo Taliye Xijaar ayaa ka wada-hadlay sidii DFS& Maamulka Pu ntland ay uga wada shaqeyn lahaayeen dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan heshiis looga gaaray M/Muqdisho.

    Kulankan ayaa sidoo kale waxa diirad lagu saaray sidii labada dhinac ay iskaga kaashan la haayeen sugida Amniga doorashooyinka 2da Aqal, gaar ahaan kuwa lagu qabanayo deega anada Puntland. Taliyaha wuxuu kormeer ku sa meyay dhawr goobood oo ay ka dhici doonto doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka So omaaliya, waxaana wehliyay saraakiisha CBS & kuwa maamulka Puntland.

     Qiimeynta ay sameeyeen waxey kaliya ku wajahneed M/Garowe ee xarunta maamulka Pu ntland, waxaana Booliska Soomaaliya loo xil sa aray iney sugaan amniga iyo isku-dubaridka doorashooyinka.

      Taliyaha wuxuu kormeer arrimahaan doora shooyinka la xiriira ku tagay Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana la rajeynayaa inuu ta go maamulada kale ee haray sida Jubbaland iyo Hirshabelle, si uu ammaanka doorashoyin ka uga agaasimo.

     Bishaan Novembar wuxuu dalka galayaa do orashooyin, waxaana la filayaa in laga bilaabo 2da aqal ee Baarlamaanka, sidaas darteed maa mul walba waxaa loo asteeyay laba meelood oo la dhigi doono kuraasta xildh ibaanada aqalka hoose.Taliyaha wuxuu u muu qdaa mid si hor dhac ah u fulinaya hawla hiisa iyadoo doora shada wakhtigeeda rasmiga ah aan la shaacin.

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

    Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa wa xaa la sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuli yeen D/Sablaale oo kamid ah degaannada ay si da weyn ugu xoogan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.Saraakiisha howlgalka hoggaaineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ay ku dileen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa G/ Ju bbooyinka iyo 10 Xubnood oo la socday.

    War kasoo baxay Taliska CXDS ayaa waxaa lagu yiri” Ciidanka kumaandooska oo ka war ha yay in habeenimadii sabtida sarkaalka iyo Xub naha la socday soo gaareen sablaale ayaaa ho wlgal qorsheeysan kafuliyay degmadaasi iyag oona ugu galay gurigii ay ka joogeen sablaale is lamarkaana goobti kuwada toogteen Sarkaalk &10kii Xubnood ee la socday.

     Saraakiisha CDFS ayaa waxaa ay ku shee geen Sarkaalka inay howlgalka ku dileen maga ciisa (Mucaad dheere) kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa G/lada jubooyinka ee M/Jubbaln d.

CDF oo garab ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duw an ka sameeyeen G/lada dalka qaarkood, iyaga oo sheega inay howlgalladaas ku dilaan Saraa kiil ka tirsan Al-Shabaab. Xigashocasimada.net

Taabit Cabdi oo farriin u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

  Iyada oo M/Muqdisho u ka da’yay roob same yn ballaarn ku ye eshay qoysaska danta yar ee ku nool M/Muqd isho ayaa waxaa arrintasi ka hadlay Guddoomiyihii hore ee G/B anaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fac ebook ayuu ku sheegay in roobka ka da’ayay M/Muqdisho uu saa meyn ku yeesheen nolol maalmeedka dadka si da; isku socodka, ganacsiga, deggaanka iyo fay odhowrka.

    Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Maamulka G/Banaadir iyo Madaxda Sare ee DFS inay oga adaan in mas’uuliyad gaar ah ka saaran iney shacabka u gurmadaan xilliyadan adag.

Hoos Ka Akhriso qoraalka Taabit Cabdi Maxa med.

    Nimca waliba nusqaanteeda ayey leedahay. Roobbabka mahiigaanka ah ee maalmahan ka da’aya qeybo badan oo dalka ka midda gaar ah aan Muqdisho, waxey saameyn ku yeesheen nolol maalmeedka dadka sida; isku socodka, ga nacsiga, deggaanka iyo fayodhowrka.  Waxaan Alle ka baryeynaa inuu ummadda uga dhigo mid lagu qabowsado oo aanan wax dhib ah gaa rsiin dadka, gaar ahaan kuwooda danyarta ah.

     Waxaan ka codsanayaa guud ahaan shacab ka Soomaaliyeed inay ka warhayaan dadka xaaladda adag ku nool ee danyarta ah, una baa han gargaar wallaalnimo oo deg deg ah.

     Dhanka kale, waa dhab in adeegga bulsho uu aad u liito, haddaba Maamulka G/Benaadir iyo DFS mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saaran in ey shacabka u gurmadaan xilliyadan adag, loo na diyaar garoobo ka hortagga ama loo xakam eeyo waxyeelada naf iyo maal ay daaddadku horseedi karaan.

Xildhibaanada BF oo Shalay ansixiyay sharci muhiim ah

     Xildhibaanada GShS  ayaa Shalay ansixiy ay sharci muhiim ah kadib markii ay kulan caadi ah ku yeesheen xaruntooda kmgah ee Villa Har geysa.G/GSh/BJFS Md.Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli Sh.Ibraahim Muudey ayaa kulanka shir gudoominayay, waxaa na lagu ansixiyay Hindise-Sharciyadeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta & Aqoonsiga Dadweynaha.

Kulanka waxaa soo xaadir ay 143 Md., iyadoo cod aqlabiyad leh lagu ans ixiyay sharciga miiska saarnaa, ma jirin xildhiba an ka aamusan iyo mid diiday toona.

     Dhinaca kale X/BS waxey akhriyeen markii 2aad hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaal ka, dib ayaana la isugu soo laaban doonaa si go’aan looga gaaro.

     Gudoomiyaha G/Shacabka Md Mursal wu xuu aad ugu mahad celiyay XBFS isagoo sharc iga la ansixiyay ku tilmaamay mid sax ah.

      Xildhibaanada Baarlamaanka muddo xilee dkooda waa gabaabsi, waxaana bishaan gudah eeda bilaaban doona doorashooyinka 2da Aqal ee Baarlamaanka kuwaas oo ka kala dhici doo na goobo lagu cayimay heshiiskii ay gaareen do wladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Safiirka China ee Soomaaliya oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

      Safiirka China ee Soomaaliya, ayaa la kul may wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Ax med Ciise Cawad, si uu ula qeybsado da baald ega sanad guuradii 60aad ee aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed ee 2da dalXiriirkii diblomaasiyade ed ee u dhexeeya Soomaal iya iyo China ayaa kasoo bi lowday bishii Diseembar 14, sanadkii 1960, iyadoo Soomaaliya ay ku jirtay dalalka waqtigaas xiriirka wanaagsan la lahaa China.

    Danjire Qin Jian ayaa tilmaamay iskaashiga 2da dhinac inuugaadhay natiijooyin miro dhala .

    Safiirka Shiinaha ayaa sheegay dowladdiisa in ay si togan ugu dhiirrigalinayso shirkadaha Shiinaha inay maalgashadaan Soomaaliya oo ay dhisaan aag ganacsi oo xor ah.

Ayax Farabadan Oo Ku Habsaday Warshe ekh Iyo Degaano Hoostega

    Wararka aan ka heleyno D/Warsheekh ee G/Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegay aan in Shalay degmadaas uu ku habsaday Ay ax faro badan oo maalmihii lasoo dhaafay gaar ay Gobolkaas.

     Dadka deegaanka Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay inay arka yaan Ayax raxan raxan u socda oo soo gaara yay degmadaas, isla markaana uu kusii faafayo deegaano kale

      Sidoo kale Ayaxa ayaa ku habsaday dhul daaqsimeedyo ku yaalla deegaanada kala Bak aaroole, Shiiqyaale, Ruunsheeqow iyo deegaa no kale oo dhamaant odhoostga Warsheekh, waxaa na laga casbi qabaa in  uu baabi’iyo dhul beer eedyo kale.

       Sawirro laga soo qaaday Ayaxa lagu faafiy ay baraha Bulshada ayaa muujiyay in Ayaxa uu ahaa mid raxan raxan u socda, isla markaana qaar kamid  uu dhulka kusoo dhacay, waxaana dadka ay sheegeen inay maqli jireen oo kaliya Ayaxa, hayeeshee ay arkeen.

     Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Ayaxa waxaa uu ahaa mid siweyn ugu soo badanayay deega ano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhe xe gaar ahaan kuwa hoostega D/Balcad, halkaas oo uu ku baabi’iyay beero faraba dan oo ku yaallay halkaas.

Madasha Xisbiyada oo ka soo horjeesatay qaabka loo xulayo xildhibaanada Gobollada Waqooyi ee BF

     Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Shalay war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay m owqifkeeda ku aadan doorashada xildhibaana da G/Waqooyi (Somaliland) ee BFS, xili uu maa lmihii u dambeeyay hadheeyay khilaaf xoogan.

    Madasha ayaa sheegtay inay adkayneyso ah miyada iyo qiimaha ay siyaasiyiinta G/da Waq ooyi ugu fadhiyaan dowladnimada dalkeeda, is la markaana ay rabto in hanaan hufan oo raali lagu wada yahay loo hirgeliyo doorashada xub naha goboladaasi.

      Waxay si cad garab istaag ugu muujisay Ma dashu waraaq uu dhawaan soo saaray gudd oomiyaha Aqalka sare ee BFS, Cabdi Xaashi, kaasi oo ku dalbanayay inuu magacaabo xu bnaha guddiyada doorashada ee G/da waqooyi, isla markaana uu kaga hor imanayey hanaankii lagu go’aamiyey heshiiskii Muqdisho ee door ashada 2020/2021.

    Madasha ayaa si adag uga digtay in hanaan aan loo mideysneyn ay jideeyan madaxda dal ku, iyadoona soo jeedisay in hanaanka doora shadaasi lagu saleeyo habraacyadii meel-mar ka ahaa ee lagu galay doorashadii dad-baneyd ee 2016-kii.

     "Waxaan cadeyneynaa in guddoomiyaha Aqalka sarre ee baarlamaanka federaalka Soo maaliya,Md.Cabdi Xaashi C/hi uu yahay mas’ uulka ugu mudan xagga sharciga iyo nidaamka Federaalka 2ba inuu magacaabo xubnaha gud diyada doorashada ee G/Waqooyi, maadaama uu yahay siyaasiga ugu maamuuska sarreeya ee la doortay, hogaamiyana siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolladaas, isla markaasna hadda ah gu ddoomiyaha aqalka sare ee BFS” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.

       Waxa kale oo war-saxaafadeedkaasi lagu yiri "Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda 2da heer dowladeed in ay si wadajir ah u dham eystiraan wadar-ogolka hirgelinta hanaanka doorashooyinka 2020/2021 lagana fogaado waxkasta oo ku keeni kara muran iyo isqab-qab si doorashooyinka loo madlan yahay”

      War-saxaafadeedkan Shalay kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isgarab istaag loogu muujiyay qoraal uu Guddoomiye Cabdi Xaashi u kala diray madaxweyne Farmaajo, ra’I isal wasaare iyo madaxda dowlad goboleedya da, kaasi oo uu ku dalbanayey inuu isaga soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

       Cabdi Xaashi ayaa qoraalkaasi ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad gob oleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

Farriinta maalinta caalamiga ah ee Soo Afja ridda ciqaab la’aanta kuwa gaysta dambiya da ka dhanka ah suxufiyiinta.

     Munaasabadda sannadkaan ee Maalinta ca alamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta Ku wa gaysta dambiyada Ka dhanka ah Saxafiyiin ta, adduunku, oo ay warbaahintu ka mid tahay, wuxuu wajahayaa caqabad cusub: oo ah COV ID-19. Cudurka safmareenka ah si gaar ah u muujiyay arrimo cusub oo ha lis ku ah saxafiyiinta iyo shaq aalaha warbaahinta, xa taa iyadoo ay korodhay tir ada weerarrada lagu hayo badq abkooda jir ahaaneed. Waxaa dhacay ugu yara an 21 weerar oo lagu qaaday saxafiyiin wararka ka soo tebinayay dibadbaxyo barkii hore ee san nadka 2020 – taasoo la eg tirada weerarradaasi oo kale ee dhacay sannadkii 2017 oo idil. Wax aa sidoo kale jiray xakamayn dheeraad ah oo la gu sameeyay shaqada saxafiyiinta, oo ay ka mid yihiin in lagu handado maxkamadayn, soo qabasho, xabsi, in loo diido inay gaaraan goob ihii ay shaqada saxafinimo ka qaban lahaayeen iyo in baaritaan lagu sameyn waayo lana maxk amadayn waayo kuwa gaysta dambiyada iyaga ka dhanka ah.

     Marka saxafiyiinta la bartilmaameedsado, bulshada oo dhan ayaa dhibku soo gaari doo naa. Haddii aynaan saxafiyiinta ilaalin, waxaa carqalad ba’an ku imaan doonta awoodda aan u leenahay inaan xog-ogaal ahaano iyo inaan qaadano go’aanno caddaymo ku salaysan. Mar ka ay saxafiyiintu shaqadooda si badqab ah u gudan karin, waxaan waayaynaa arrin muhiim ah oo naga difaacda cudurka safmareenka ah ee warxuma tashiilka ama wararka qaldan iyo xogta been abuurka ah ee ku faaftay shabakad da internetka.

     Wararka iyo falanqaynta xaqiiqada ku salays an waxay ku tiirsan yihiin ilaalinta iyo badqabka saxafiyiinta qabanaya shaqada soo tebinta war arka, eek u qotonta mabda’a asaasiga ah ee: "saxafinnimo aan cabsi iyo eex lahayn”.

    Iyadoo uu adduunku la dagaallamayo cud urka safmareenka ah ee COVID-19, waxaan ku celinayaa baaqaygii aan ku baaqay saxaafad xor ah oo kaalinteeda lagama maarmaanka ah ka caari karta nabad, cadaalad, horumar la jog tayn karo iyo xuquuqul insaan.

Xog: Maxay ka wada hadleen Shariif iyo Cali Guudlaawe?

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Dorraad laba jeer la kulmay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali C/hi Xuseen Guudl aawe.

    Kulankaan oo ka dhac ay hoteelka uu dagan yah ay Sheekh Shariif ayaa qa atay saacado waxaana dibada ka joogay dham aan dadkii la socday labada dhinac.

Warar aan ka helnay xubno kamid ah labada dhinac oo kulamada kadib la kulmay Shariif iyo Guudlaawe ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif la wadaagay Madaxweyne Guudlaawe go’aano uu ku xaliyay beelo badan oo tabashooyin qabay islamarkaana uu aqbalay Cali Guudlaawe. Go’aanadaas lama sheegin nu uca ay yihiin hase yeeshee wararku waxey tilmaamayaan in dadka tabashada qaba lagu qanciyay xilal islamarkaana Cali Guudlaawe la ga dalbaday inuu fuliyo iyo qaar loo sameeyay balan qaadyo kale.

      Dhinaca wararka aan helnay ayaa sheega ya in 2da dhinac ay ka wada hadleen qorshaha doorashada Soomaaliya iyo rabitaanka Sheekh     Shariif ee xilka Madaxweynaha.

     Md.Cali Guudlaawe, ayaa Sheekh Shariif la wadaa gay cadaadiska saaran iyo dhibaatooyin uu kala kulmayo Villa Somalia isagoo dhinaca kale u balan qaaday inuu la shaqeyn doono ha ddii uu noqdo Madaxweynaha HirShabeelle.

Sheekh Shariif, ayaa Cali Guudlaawe la wadaa gay rajadiisa ah inuu Soomaaliya markale hog aamiyo isagoo dhinaca kale u rajeeyay inuu guul ka gaaro doorashada HirShabeelle. Mas’ uuliyiintaan ayaa la sheegay in ay u harsan yihiin kulamo kale oo ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo arimaha HirShabeelle.

XigashoCaasimadda.net

Shacabka M/Baraawe oo sharci darro ku tilm aamay shaqo joojinta lagu sameeyay Agaa simihii isitaalka Baraawe

    Shacabka M/Baraawe ee G/Shabeelada hoo se ayaa sharci darro ku tilmaamay shaqo joojin tii lagu sameeyay agaasimihii isbitaalka Baraa we Cabdalle Cabdirax maan Nuuraani. Wasaa radda caafimaadka K/gal beed ayaa shaqada ka joojisay agaasimaha, kadib markii ay ku eedeeysay inuu cuuryaam iyay sha qadii isbitaalka.

      Dadweynaha magaalada Baraawe ayaa she egay agaasimaha inuu ahaa masuul si daacad ah ugu shaqeynayay dadkiisa islamarkaana sa babta xilka looga qaaday ay tahay ujeedo gaar ah oo lagu doonayo in lagu cuuryaamiyo isbi taalka Baraawe.

     Agaasimaha isbitaalka Baraawe, Cabdalle Cabdiraxmaan Nuuraani, ayaa sheegay sabab ta looga joojiyay shaqada inay tahay, kadib mar kii uu bulshada u sheegay dafuuraha isbitaalka ka jira iyo in maamulka koonfur galbeed uu wax ka qaban waayay.

     "Way mahadsan yihiin shacabka diiday in shaqada la iga joojiyay, balse waxaan u caddey nayaa inaan mar dambe doonayn inaan isbita alka Baraawe agaasime ka noqdo ama kasii ah aado,” ayuu yiri Cabdalle Nuuraani.

Daraawiishta Puntland oo dib ula waree gay Deegaano ay horay u joogeen Malee shiyaadka Al-Shabaab.

       Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta D/G/ Puntland ayaa waxaa la sheegay inay howlgal ku tageen degaano ka tirsan G/Sanaag, kuwa as oo dhawaan lagu ark ay Xubno ka tirsan Uru rka Al-Shabaab.

      Ciidamada Daraawiishta Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay howlgalka ku gaareen degaano hoostaga M/laasqoray ee G/Sanaag, hal kaas oo dhaw aan ay Al-Shabaab sheegteen inay la wareeg en. Saraakiil ka tirsan CiD/ta Maamulka Punt land ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay Ciidamada Puntland la war eegeen degaan ka Gurya-samo iyo degaannada ku dhow dhow si amniga ay u xaqiijiyaan.  Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalk aan uu ahaa mid ka dhan ah Ururka Al-Shaba ab oo doonayay inay la wareeg aan degaano ka tirsan G/Sanaag, walow markii dambe ay isaga baxeen.

      Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay kul an la qaateen Odayaasha & waxgaradka deg aanka Gurya-samo, iyaga oo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida Amniga loogana hortegi lahaa Al-Shabaab.

      Deegaannada gobolada Sool & Sanaag ay aa waxaa ay yihiin meelaha ugu amniga wan aagsan Soomaaliya, hayeeshee waxaa la shee gaa in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin buuraleyda Calmadow ee gobolka San aag.

Waare oo shaaciyay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Hirshabelle (Akhriso)

     Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle Max amed Cabdi Waare ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha, xilli muddo xileedk iisa ahaa mid dhamaaday, isla markaana Hirsh abelle ku guda jirto howl lagu soo dooranayo Hoggaan cusub.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip