Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0
Tuesday November 03, 2020 - 07:13:58 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

    Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa la sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Sablaale oo kamid ah degaannada ay sida weyn ugu xoogan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha howlgal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa la sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Sablaale oo kamid ah degaannada ay sida weyn ugu xoogan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha howlgalka hoggaaineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ay ku dileen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolada Jubbooyinka iyo 10 Xubnood oo la socday.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa lagu yiri”Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii sabtida sarkaalka iyo Xubnaha lasocday soo gaareen sablaale ayaaa howlgal qorsheeysan kafuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay kajoogeen sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen Sarkaalk iyo tobankii Xubnood ee la socday.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay ku sheegeen Sarkaalka ay sheegeene inay howlgalka ku dileen magaciisa (Mucaad dheere) kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolada jubooyinka ee maamulka Jubbaland.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen gobolada dalka qaarkood, iyaga oo sheega inay howlgalladaas ku dilaan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

xigasho;radiorisaala.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip