Loolan cusub oo ka billowday maamulka HirShabeelle iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Monday November 02, 2020 - 19:56:17 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loolan cusub oo ka billowday maamulka HirShabeelle iyo wararkii ugu dambeeyey

    Waxa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabeelle ay ka bilaabato diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka maamulka, xili shalay lasoo saaray jadwalka doorashadaasi. War kasoo baxay Guddiga ayaa shalay waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabeelle ay ka bilaabato diiwaan-gelinta musharaxiinta guddoonka baarlamaanka maamulka, xili shalay lasoo saaray jadwalka doorashadaasi. War kasoo baxay Guddiga ayaa shalay waxa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah ay bilaabaneyso qabashada Araajida musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda. Jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka oo u muuqday mid deg-deg ah ayaa waxa lagu soo koobay in saddex maalin gudahooda ay ku dhacdo doorashadaasi, oo loolan adag ugu jiraan dhinacyo badan. Waxaa jira xubno badan oo isku taagay jagada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo isugu jira kuwa ku cusub saaxada siyaasadda iyo kuwo horay xilal u soo qabtay, waxaana xubnaha musharaxnimadooda ku dhawaaqay kamid ah: 1: Canab Axmed Ciise: Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaankii 1aad ee Hirshabelle 2: Xildhibaan Siraaji Sheikh Isaaq: oo u sharaxan Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle. 3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan: u sharaxan Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hir-shabeelle. Waxa kale oo iyaguna jira shaqsiyaad loolan xoogan ugu jira qabashada xilalkaasi, kuwaasi oo la soo warinayo inay ku kala hirdamayaan mucaaridka iyo dowladda federaalka oo madaxdeedu ay rabto inay markale soo laabtaan. Arrimahan dhan ayaa imanaya xili maanta amaanka caasimada maamulka HirShabeelle si weyn loo adkeeyay, iyada oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka, oo isha ku haya hanaanka doorasho ee maamulkaasi.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip