Maxay yihiin afarta shaqo ee ay qaban doonto hay'adda DADSOM ee maanta la ansixiyey?

0
Monday November 02, 2020 - 19:22:21 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay yihiin afarta shaqo ee ay qaban doonto hay'adda DADSOM ee maanta la ansixiyey?

    Golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hay'adda Diiwangelinta Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo Hay'adda DADSOM. Muhiimadda gaarka ah ee ansixinta Sharcigaan uu uleeyahay hooyo, aabe iyo ilmo walba oo So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hay'adda Diiwangelinta Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo Hay'adda DADSOM. Muhiimadda gaarka ah ee ansixinta Sharcigaan uu uleeyahay hooyo, aabe iyo ilmo walba oo Soomaaliyeed waa xagga aqoonsiga iyo jiritaanka qof walba oo Soomaaliyeed inuu yeelanayo lambar tirsi ah oo ku xiran dhalasho ilaa geeri iyo dhanka dhaqaalaha dalku sii kobcayo. Soomaalidu waa dad is-gacan qabta, mudadii ay dhibtu jirtayna xawaaladaha ayaa u fududeeyay howlahaas, waxaana abuurmay bankiyo caalamka la tartami kara, laakin wadamo badan way xireen xawaaladaha xafiisyadooda dibadda, bankiyadiina way awoodi la'yihiin in lacagta si toosa loogu diro banki kale oo caalami ah oo iyaga la siman! Sababtuna waxa ay tahay in lagu xiray shardi ah in ay soo buuxshaan nidaamka caalamiga ah ee loo yaqaan macmiilkaaga aqoonso (Know Your Customer) ee bankiyada dunida oo dhan ku shaqeeyaan. Nidaamkaan oo hirgeli kara in qof walba leeyahay National ID u gooni ah. Haddaba, ansixinta Golaha Shacabka ee Sharcigaan ayaa ah mid ay kujirto danta qof walba oo Soomaaliyeed, midka magaalada jooga iyo kan baadiyaha jooga, kan dibada jooga iyo kan gudaha jooga, kan ganacsada iyo kan dowlad u shaqeeya iyo in dalka u soo galo dhaqaalihii dibadda ku xanibnaa si waafaqsan nidaamka caalamiga ah. Sida Sharcigu dhigayo Hay'adda DADSOM waxay umadda Soomaaliyeed gude iyo dibad u qaban doontaa in ay: 1. In ay muwaadin walba iyo cid walba oo si sharci ah dalka kujoogta siiso lambar tirsi ah oo u gooni ah 2. In ay bixiso kaarka Aqoonsiga heer Qaran (National ID) 3. In ay dajiso oo u fududeyso barnaamijyada ay degmooyinka iyo gobolada ku bixin lahaayeen waraaqaha aqoonsiga sida dhalashada, dhimashada, guurka, furiinka iyo geerida, oo leh hal hanaan (one standard) oo la raaci karo. 4. In ay isku xirto laamaha dowladda qaab elektroonik ah oo u fududeynaya wadashaqeyn iyo howl fududeyn heersare ah. Howl-gelinta iyo dardargelinta shaqooyinka DADSOM ayaa ah mid culeys badan kaga dhacayo eedaymo badan oo dhawaan Security Council usoo jeediyeen Soomaaliya iyo mid ay fududeyn doonto howlaha iyo baahiyaha muwaadin walba oo Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip