Xaakim Mareykan ah oo hor istaagay dacwad ka dhan ah TikTok

0
Monday November 02, 2020 - 19:18:01 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaakim Mareykan ah oo hor istaagay dacwad ka dhan ah TikTok

    Xaakim Mareykan ah oo ku sugan gobolka Pennsylvania ayaa hor istaagay amar ka soo baxay Waaxda Ganacsiga Mareykanka oo lagu waday inuu dhaqan galo Nofeembar 12-keeda, kaas oo horjoogsan lahaa barnaamijka TikTok gudaha dalka Mareykanka. Garsooraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaakim Mareykan ah oo ku sugan gobolka Pennsylvania ayaa hor istaagay amar ka soo baxay Waaxda Ganacsiga Mareykanka oo lagu waday inuu dhaqan galo Nofeembar 12-keeda, kaas oo horjoogsan lahaa barnaamijka TikTok gudaha dalka Mareykanka. Garsooraha Maxkamadda Degmadda Wendy Beetlestone ayaa iska laashay dalab ka yimid Waaxda Ganacsiga Dowladda Mareykanka ee ahaa in la xannibo barnaamijka Shiinaha laga leeyahay ee TikTok. Waxay sheegtay in xannibaaddaasi ay saameyn ku yeelan doonto, gudaha Mareykanka, iyo ku dhowaad 700 milyan oo qof oo caalamka kala joga islamarkaan adeegsada TikTok. In kabadan 100 milyan oo adeegsada TikTok ah ayaa ku sugan Mareykanka gudihiisa, ugu yaraanna 50 milyan oo ka mid ahna waa kuwan si maalinle ah u adeegsada ayuu ku dooday xaakimku. 27-kii Sebtember, Xaakim Carl Nichols oo ah xaakimka gobolka Clombia wuxuu soo saaray amar hordhac ah oo ku saabsan in Waaxda Ganacsiga Mareykanka inay ku amarto Apple Store iyo Alphabet Inc's in laga saaro TikTok si aysan u kasban adeegsadaayaal ama macaamiil cusub, amarkaas ayaa loo qorsheeyay inuu dhaqan galo isla maalintaas. Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa dhowr jeer sameysay isku dayo noocan ah oo lagu hor joogsanayo adeegga TikTok inuu ka sii shaqeeyo Mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip