Maxay tahay sababta aanan u iibsaneyn alaabta Faransiiska lagu sameeyo?

0
Monday November 02, 2020 - 19:02:13 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta aanan u iibsaneyn alaabta Faransiiska lagu sameeyo?

    Laga bilaabo Turkiga, Bangladesh, Urdun ilaa Malaysisa, waxaa ka socday dibadbaxyo ballaaran oo loogu baaqay dadka inay qaadacaan badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laga bilaabo Turkiga, Bangladesh, Urdun ilaa Malaysisa, waxaa ka socday dibadbaxyo ballaaran oo loogu baaqay dadka inay qaadacaan badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.



Qaar kamid ah xarumaha laga dukaameysto waxay meesha ka saareen badeecadaha uu soo saaro Faransiiska xilli baraha bulshada ay ka socdaan olole ka dhan ah badeecadaha dalkaas.


Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in sababta loo dilay macalinka ay aheyd ‘Xoriyatul qowlka’ kaddib markii uu ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebiga.

Wuxuu sheegay Macron in sababta "loo dilay ay Islaamiyiintu doonayaan mustaqbalkeenna”, laakiin Faransiisku "kama quusan doono sawir gacmeedyada”.

Madaxweyne Macron waxaa lagu amaanay qaabka uu u difaacay cilmaaniyadda iyo mabaadii’da ku salysan xoriyatul qowlka ee dalkiisa, inkasta oo hadalkiisa uu caro ka dhashay, Khamiistii magaalada koonfurta dhacda ee Nice waxaa lagu dilay saddex qof, Macron wuxuu weerarkaas ku tilmaamay "Weerar argagixiso ay ka danbeeyeen islaamiyiin”



Macron wuxuu noqday nin si weyn looga neceb yahay dunida muslimka, tusaale ahaan dalka Bangladesh, waxaa Arbacadii ka dhacay dibadbaxyo ay ka qeyb qaateen tobonaan kun oo qof oo looga soo horjeedo Faransiiska waxayna shacabka ku baaqayeen in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

BBC-da waxay la hadashay saddex qof oo sheegayo inay go’aansadeen in aysan iibsan doonin badeecadaha lagu sameeyo Faransiiska.

Mishi Khan – oo ah atariishad ku sugan caasimadda Pakistan ee Islamabad

Atarishadda u dhalatay Pakistan Mishi Khan
 

Waxay sheegtay inay isticmaali jirtay waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan ee laga keeno Faransiiska gaar ahaan badeecadda la yiraahdo L’Oréal, "Taas oo laga heli karo halkan Pakistan, haatan waxaan diyaar u ahay in aanan iibsan wax kasta uu soo saaray Faransiiska”.

Badeecadahii laga keeni jiray Faransiiska waxaan ku baddalanayaa kuwo laga soo saaro Pakistan, ayay tiri Mishi Khan.

"Maxay tahay sababta? Madaxweyne dal inta uu subax soo kaco isla markaana go’aansado in uu aflagaadeeyo bulshada muslimka ah”

Waxay sheegtay in qof kasta oo baraha bulshada adeegsada ay ugu baaqeysay in uu qaadaco badeecadaha Faransiiska, "Go’aankeygu wuu cad yahay sababta oo ah waxaan sameynayaa tallaabo kasta oo lagu difaacayo Islaamka”

Mishi Khan waxay sheegtay in marar badan la cafiyay dad horey u aflagaadeeyay Islaamka balse haatan ay qaadayaan tallaabo ka dhan ah arrintaas.

"Macron wuxuu isku dayayaa in si ula kac ah uu inoo dhibaateeyo, waa sida adiga oo feeray qof, kaddibna aad ku leedahay ‘Xanuun miyaad dareentay?’

Mishi Khan waxay sidoo kale ka dhawaajisay in madaxweynaha uu wado falal naceyb ah oo lagu kala qeybinayo dadka.

"Haddaladiisa jees jeeska ah waxay hurin karaan Islaam naceyb, waxaa laga doonayay in uu mideeyo dhammaan muwaadiniinta dalkisa oo uu si sinaan ah ula dhaqmo”

"Markii aan arkay sawir gacmeedka uu daabacay Charlie Hebdo, xitaa waan hadli waayay, waan naxay, waan ooyay, waxaan is iri ‘Ilaahayow, maxaa ku tusay waxan?’

Presentational grey line

Latife Ozdemir – Waa ardayad ku sugan – Istanbul, Turkiga

Latife Ozdemir oo ah ardayad kasoo jeedda Turkiga waxay sheegtay qaadacaadda badeecadaha Faransiiska in looga golleeyahay ka hortagga
 

"Badeecadaha kala ah Lancôme, Garnier iyo BIC waa kuwo aan isticmaali jiray maalin kasta balse haatan masoo iibsan doono” ayay tiri Latife Ozdemir.

Waxay sheegtay in sababta ay u qaadaceyso badeecadaha ka yimaado Faransiiska ay tahay in marar kale aanan loo dulqaadan doonin hadalka madaxweynaha si looga hortaggo Islaam naceybka Faransiiska.

Latife Ozdemir waxay sheegtay in waxa kaliya ah ay sameyn karaan ay tahay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

"Charlie Hebdo wuxuu daabacay sawir kale oo xun oo muujinayaa madaxweynenaheena Recep Tayyip Erdogan oo xiran funaanad kaliya ah isaga oo cabaya khamri isla markaana kor u qaadaya goono gaaban oo ay xirneyd haweeney xijaaban”

Waxay sheegtay in tallaabadaas ay dhibeyso haweeney xijaaban marka ay aragto sida la yeelayo haweeneydaas.

"Haweenka muslimka ah waxay maalin kasta galaan dagaal ah in islaamka fikrad wanaagsan laga qaato si bulshada dhexdeeda looga arko in aan simanahay”

"Sawir gacmeedka iyo hadallada jees jeeska ah waa inay horseedaan dood iyo fikrad cusub intii Yurub ay adeegsan laheyd tallaabooyin ay kusoo bandhigeyso fikradaha ay ka heysato muslimiinta” ayay tiri Latife Ozdemir.

"In aad soo saarto sawir gacmeed lamid ah kuwan markasta, waxay horseedeysa xaalad hurin ah, waxaan la yaabanahay, in arrintan ay tahay waxa aan dooneyno: Ma sidan baa laisku dhibaateynayaa oo aan is neceb nahay anaga oo adeegsaneyo xoriyatul qowlka?”

Hiba Maxamed Muusa – Waa ardayad ku sugan-Nouakchott, Mauritania

Hiba Maxamed waxay dooneysaa in Macron uu raalli gelin u jeediyo muslimiinta
 

Hiba waxay sheegtay in iyada qoyskeeda iyo asxaabteeda ay ka qeyb qaateen banaanbax ka dhacay Nouakchott oo looga soo horjeeday waxa ka socda Faransiiska.

"Waxaan u qaadaceynaa badeecadaha Faransiiska anaga oo ku rajo weyn in dhaqaalaha Faransiiska uu dhulka galo si Macron uu raali gelin ugu jeediyo 2 balyan oo muslimiin ah oo uu u gafay kaddib markii uu jeediyay hadallo naceyb dhalin karo”

"Waxaan adeegsanayaa cadarka Lacoste ee Faransiika laga keeno mar haddii uu iga dhamaado masoo iibsan doono” ayay tiri Hiba.

Waxay sheegtay in warqad ay u qortay madaxweyne Macron oo ay kaga codsaneyso in uu raali gelin u jeediyo muslimiinta, "Waxaan weydiyay haddii macalinkaas uu qaddarin mudnaa, siduu noqon karaa Nabigeena oo isagu ahaa macalin ahaa?

"Waxana inaga careysiiyay waxay tahay khudbadda ku saabsan islaam naceybka ee Islaamka la xiriirineyso dhaqamada xun, waa arrin caddaalad darro ah oo dandaansi ah oo aan inaba la aqbaleynin”

Waxay ka dhawaajisay in tallaabooyinka qaar ay dhibaato u geysanayaan kooxo gaar ah, "Arrinta dhabta ah waxay tahay in dal sida Faransiiska oo kale uu qaadayo sawiiro dhibaateynayo koox gaar ah oo dacaayad aan habooneyn ah taas oo aan inaba aheyn xoriyatul qowl”

Hiba Maxamed waxay sidoo kale sheegtay in markii ay yareyd uu wargeyska Charlie Hebdo soo daabacay sawir gacmeedka laga sameeyay Nebi Maxamed, sidoo kalena ay soo xuusasato weerarkii lagu qaaday wargeyska.

"Balse xilliggan waxaa iska ilaalinayay in aan eego sawir gacmeedka balse maalin ayaan ku arkay Twitter-ka, waxaan dareemay in la ii aflagaadeeyay oo laii xushmeyn waayay. Maxay tahay sababta Islaamka loogu qaddarin la’yahay sida diimaha Yuhuudda ama Kiristaanka?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip