Ra'iisul Wasaare ku xigeenka oo dhagax dhigey dib-u-dhiska Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta

0
Monday November 02, 2020 - 18:56:07 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka oo dhagax dhigey dib-u-dhiska Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go'an tah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo dhagax dhigey dib-u-dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa tilmaamay in ay go'an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay'adaha dowladda ee ku burburay dagaallada.


Mudane Mahdi ayaa sheegay in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, una mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda.

"Dib-u-dhiska dhiska xarunta Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siineysoā€¯.

Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip