Xildhibaanada BF oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah

0
Monday November 02, 2020 - 18:51:37 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada BF oo maanta ansixiyay sharci muhiim ah

    Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharci muhiim ah kadib markii ay kulan caadi ah ku yeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharci muhiim ah kadib markii ay kulan caadi ah ku yeesheen xaruntooda kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulanka shir gudoominayay, waxaana lagu ansixiyay Hindise-Sharciyadeedka Dhismaha Hay'adda Diiwaangalinta & Aqoonsiga Dadweynaha. Kulanka waxaa soo xaadiray 143 mudane, iyadoo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay sharciga miiska saarnaa, ma jirin xildhibaan ka aamusan iyo mid diiday toona. Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka waxey akhriyeen markii labaad hindise-sharciyeedka Hay'adda Socdaalka, dib ayaana la isugu soo laaban doonaa si go'aan looga gaaro. Gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal C/raxmaan wuxuu aad ugu mahad celiyay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka isagoo sharciga la ansixiyay ku tilmaamay mid sax ah. Xildhibaanada Baarlamaanka muddo xileedkooda waa gabaabsi, waxaana bishaan gudaheeda bilaaban doona doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka kuwaas oo ka kala dhici doona goobo lagu cayimay heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip