Maareeye, Faysal Waraabe iyo siyaasiyiinta beesha DIR oo war culus kasoo saaray doorashada Somalia + Video

0
Monday November 02, 2020 - 13:01:03 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeye, Faysal Waraabe iyo siyaasiyiinta beesha DIR oo war culus kasoo saaray doorashada Somalia + Video

    Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay shir ay ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal ka tiran Beesha Dir, iyadoo laga soo saaray war ku saabsan Doorashada Soomaaliya. Shirka oo ay ka dhex muuqdeen siyaasiyin ay ka mid yihiin Feysal Cali Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay shir ay ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal ka tiran Beesha Dir, iyadoo laga soo saaray war ku saabsan Doorashada Soomaaliya. Shirka oo ay ka dhex muuqdeen siyaasiyin ay ka mid yihiin Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cabdi Maareeye, Ridwaan Xersi iyo xubno kale ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku baaqay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada. Guddoomiyaha Xibsiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa shirka ka sheegay in Dir ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75 kursi, lana mid yihiin Daarood, Hawiye iyo Digi/Mirifle balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro. Shirka Dir ee magaalada Nairobi ayaa socda muddo laba maalmood ah, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu shaaciyey inuu isugu soo magacaabayo guddiyada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland.

Maareeye, Faysal Waraabe iyo siyaasiyiinta beesha DIR oo war culus kasoo saaray doorashada Somalia + Video



Xigasho: Goobjooge



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip