Cali Cabdullaahi Cosoble: "Qalad ayey aheyd in anagoo ah qabiil yar aan wax ku darsano Abgaal oo qowmiyad ah"

0
Sunday November 01, 2020 - 23:12:42 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Cabdullaahi Cosoble: "Qalad ayey aheyd in anagoo ah qabiil yar aan wax ku darsano Abgaal oo qowmiyad ah"

    Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Magaalada Jowhar Maanta loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in madaxdii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si kulul uga hadlay soo dhaweyntii Magaalada Jowhar Maanta loogu sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in madaxdii soo dhaweysay Sheekh Shariif ay dhammaantood kasoo jeedeen Beesha Abgaal, taasina ay isaga soo xasuusisay hadalkii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa "Abgaal waa qowmiyad."

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa Su’aal ka keenay haddii maamulka HirShabelle oo ka kooban Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe uu kusoo aruuray Abgaal, sidoo kalana wuxuu qalad ku tilmaamay in iyagoo kasoo jeedo qabaa’il yar yar ay wax ku darsadeen qowmiyad weyn sida uu hadalka u dhigay.Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Markaan arkay sawirrada soo dhaweynta Madaxweyne Sharif Shekh Axmad waxaan soo xasuustay warkii adeerkey Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ee ahaa Abgaal waa qowmiyad. Waxaan marqaati ka ahay iney qowmiyad yihiin sababtoo ah madaxweynaha waxaa soo dhaweeyay Ku sime Madaxweyne Cali Gudlawe, Wasiirka Arrimaha Gudaha Caadle, Guddoomiya Gobolka Sh Dhexe Axmad Meyre Makaran, Taliyaha Boliska Hirshabeelle Kor Xasan Dhicisow iyo mas’uuliyiin kale. Haddaad mas’uuliyiinta soo dhaweeyay wareysato wexey ku leeyihiin soo dhaweynta Shariifka looma kala harin, haddaad hoos u sii fiirisana waa hal reer Hirshabeelle ma Abgaal ayey ku soo aruurtay?

Waxaan qirayaa iney qalad aheyd inaan annagoo qabaa’il yar yar ah wax ku darsanno qowmiyad, dhinaca Xawaadlena qaladkaa anaa dusha saaranaya.

Maxaa daliil u ah iney Abgaal qowmiyad yihiin? Muddo ka badan 10 sano qowmiyaddan wexey laheyd inta uu waddan gooni u taagan leeyahay; wexey laheyd lacag u gaar ah, deked u gaar ah, garoon diyaaradeed oo u gaar ah, ciidan u gaar ah iyo madax qaran oo haddana u gaar ah. Ma jiro reer kale ee Soomaaliyeed oo sidaa gaar isugu taagi karo.

Maxaa dhacaya marka ay qabaa’il yaryar wax ku darsadaan qowmiyad?

Hirshabeelle calool Abgaal ayey gashay, in looga tago maahane lalama lahaan karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip