Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay safiirka dalka Masar

0
Sunday November 01, 2020 - 22:28:35 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay safiirka dalka Masar

    Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo saf iirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yee sheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga laba da dal ee dhinaca gargaark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo saf iirka dawladda Masar u jooga Soomaaliya ayaa kulan ay yee sheen waxa ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga laba da dal ee dhinaca gargaarka.

               Kulanka labada dhinac ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Gargaarka ayey labada dhinac muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la iska kaashado xaaladaha adag ee u baahan iskaashiga

            "Waa ku faraxsanahay in markii ugu horreysay ee aan xafiiskayga imid aan kulankayga 1-aad la yeesho safiirka Masar, waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in kulankan uu ku soo aaday iyada oo deeq ka timid Masar ay soo gaartay Dalka, aad ayey u mahadsanyihiin shacabka iyo Dowladda Masar” ayey tiri Marwo Khadiija

        Dhinaca kale safiirka Dowladda Masar u jooga Soomaaliya Maxamed Nasir ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya ay la leeyihiin uu ahmiyad wayn u leeyahay, ayna ku faraxsanyihiin inay noqdaan masuuliyiintii ugu horraysay oo heer matalaad dawladeed ah ee ay wasiirku ku qaabisho xafiiskeeda.

                "Waa ku faraxsanahay in aan noqday Diblomaasigi ugu horreeyay ee ay qaabisho Wasaaradda, waxaan kale oo ku faraxsanahay in aan aniga oo matalaya Dowladda Masar aan dhawaan wareejiyo deeq gaareysa 40 ton oo gargaar bani’aadannimo ah, waxayna deeqdani noqoneysaa qeyb kamid ah taageero ballaaran oo Masar ugu tala gashay Soomaaliya”. Ayuu Yiri Maxamed Nasir oo ah Safiirka Dalka Masar u fadhiya Soomaaliya.

                Dhawaan ayaa la filayaa in Wasaaradda kala wareegto Dowladda Masar deeq gargaar bani’aadannimo ah oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka u baahan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip