Aqalka Sare oo qoraal kasoo saaray doorashooyinka Baarlamaanka

0
Sunday November 01, 2020 - 21:08:11 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Sare oo qoraal kasoo saaray doorashooyinka Baarlamaanka

    Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxaa lagu sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii san

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxaa lagu sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii sanadkii 2016 kii. Qoraalka oo la ogeysiiyay, Madaxwyene Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada& Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa marka hore looga mahad celiyay Xubnaha kor ku xusan dadaalka ay u galeen in dalka ka dhacdo doorasho loo wada dhan yahay. Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir aysan ka qeyb-gelin siyaasiyiinta matalaya gobolada Waqooyi, taas oo aheyd inay matalaad rasmi ah ku yeeshaan. Qoraalka Guddoomiyaha Aqalka Sare oo laba bog ka kooban ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in heshiiskii doorashada uu kamid ahaa in guddiga doorashada ee maamulaya kuraasta gobolada Waqooyi ay Xukuumadda Magacaawdo, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay mid wax u dhimeysa hanaanka doorasho madax bannaan, isla markaana iyaga magacaabi doonaan Guddiga maamulaya doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip