Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

0
Sunday November 01, 2020 - 21:06:50 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

    Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane Sascha Andreas Kienzle. Safii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Masar Mudane Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmalka Mudane Sascha Andreas Kienzle. Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dhawaan loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa u rajeeyey ka mira-dhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iyagoo tilmaamay sida ay uga go'an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labo geesoodka ah. Safiir ku xigeenka dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladdiisu ay ka taageereyso Soomaaliya iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka, dib u kabashada iyo dowladnimada Soomaaliya oo haatan tallaabo weyn loo qaaday. Sidoo kale, Danjiraha Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nasir oo dul istaagay sooyaalka wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan ka gacansiinta Soomaaliya arrimaha waxbarashada oo aasaas u ah horumarka iyo dowlad dhiska. Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha booqashadooda, waxa uuna la wadaagay dadaalladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip