Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay doorashooyinka Hir-Shabeelle

0
Sunday November 01, 2020 - 21:03:44 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay doorashooyinka Hir-Shabeelle

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadashay howlaha doorashooyinka ee ka socda degaannada Hir-Shabeelle. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu bogaadiyay Xubnaha soo xulista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadashay howlaha doorashooyinka ee ka socda degaannada Hir-Shabeelle. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu bogaadiyay Xubnaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana loogu baaqay inay howlaha dhiman sii dardar geliyaan. "Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddiga Doorashada ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip