HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-NOV-2020

0
Sunday November 01, 2020 - 09:44:22 in Wararka by
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-NOV-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxwayne Farmaajo "Waxaan la qaybsanaynaa dhibaatada Shacabka iyo dowladda Turkiga”

    Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay Magaalada Izmir ee dalka Turkiga.War qoraal ah oo uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kaga hadlay sida ay DFS ay uga xun-tahay dhulgariirkii ka dhacay magaalada Izmir dalka Turkiga.

    Madaxweyne Farmaajo ay aa sheegay in dowladda Soo maaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoog badan.

     Ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyey dowladda iyo dadka Turkiga in uu Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wad do. Waxaa sare u sii kacaysa tirada dadka ku waxyeelloobay dhulgariirkii ku dhuftay xeebaha Turikiga iyo Giriigga Jimcihii.

     Dhulgariirkaas oo ay awooddiisu ahayd 6.6 cabbirka dhulgariirka ayay dowladda Turkigu sheegtay in 20 qof ay ku geeriyoodeen halkaa 800 oo qofna ay ku dhaawacmeen.

Rooble oo xukuumadda kaga digay Musuqmaasuqa

  Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku tagri-fal ka hantida iyo awoodda dowlad nimo.

R/Wasaaraha ayaa kulammo kula yeeshay Madaxda iyo mas uuliyiin hay’adahan goobahooda shaqada, isagoo na ka dhageystay warbixinno ku saabsan hanna anka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

      Sidoo kale, R/Wasaare Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysa naa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo Xukuu madda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

R/ Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay Mada xda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu boo qday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.

       Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS oo uu shir Guddoominayay GGSh/S.Md.Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacab ka Xildhibaan Maxamed C/hi Xasan ‘’Nuux’’ uu dhaariyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Haw ada iyo sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Howlaha gu ud dib u dhiska iyo guryeynta ee XFS.Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa magaca guddoonka G/Shacabka shahaado sharaf ku gu ddoonsiiyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo lagu abaalmariyay kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska xarumo badan oo kuwo danta guud ah oo uu goluhu ka mid yahay.

    GGShBS  ayaa saraakiishan ugu hambalye eyay howsha wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Intaasi ka dib Xoghayaha gu ddiga Maaliyadda, miisaaniya dda, Qorsheynta iyo la xisa abtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa  ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowlad da, isagoo ka codsaday in goluhu ansixiyo sharcigan.

        Xildibaannada G/Sh/B/S  oo sharcigan cod u qaaday ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Gola ha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

    Dhinaca kale Xildhibaannada G/Shacabka ayaa badankood isku aragti ka qabay wax ka bedelka Qodobka 10-aad ee sharciga guddiga Madaxaba naan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo mudo xile edkiisu uu ku ekaa Bishii September ee sanadkan, balse uu guddigu soo jeediyay In mudo 4 sano ah loogu daro maadaamaa uu howlo muhiim ah ha yo, halka Xildhibaanadda qaar ay soo jeediyeen in gebi ahaanba guddigan dib u magacaabis lagu sameeyo.

      Xildhibaanadda oo cod geliyay soo jeedinta Guddiga Arrimaha gudaha ee G/Shacabka ee ah in guddiga madaxabanana ee xuduudaha Federa alka  afar sano oo dheeraad  loogu daro mudo xile edkiisa ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ah tirada Xildhibaannada kulanka joogay,sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

      Xoghayaha guddiga maaliyadda, miisaaniyad da,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dow ladda ee G/Sh/Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Ax med iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Ge esey oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha guda ha ee Golaha Shacabka ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta labadan sharci oo dalka muhiim u ah.

     Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horum arinta dhaqaalaha ee XFS Md. Jamaal Maxamed Xasan ayaa Xildhibaannada ka hor Akhriyay Akhr inta 1aad ee Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay ’adda dhiira gelinta maalgashiga, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaannada ay dhowr su’aal Wasii rku ka weydiiyeen Hindise sharciyeedkan.

    Sidoo sidoo kale Xildhibaannada GSh/B/F/S.  ayaa Akhrinta 2aad marsiiyay Hindise sharciyeed ka Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoon siga dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ugu da mbeyn kulanka soo xiray G/G/Sh. Md. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Khadiija Diiriye: "Sidee dad haysta madaxwe yne Farmaajo oo kale ay taageero u weydi isan karaan beesha caalamka”

      Wasiirka wasaaradda gargaarka, maareynta iyo masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khad iija Maxamed Diiriye oo Shalay hadal ka jeedisay xaflad loogu soo dhaweynayey wasaaradan oo ay ku cusubtahay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu ba aqday inay isku filaansho gaaraan.

     Waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ceeb ku tahay inay gargaar caal ami ah dalbadaan, iyagoo heysta ma daxweyne Farmaajo. "Dadkeenu wax ay dhahaan beesha caalamku hana soo gaarto, si dee  dad dowlad leh beel caalam wax u weydiis ta an? Sidee dad madaxweyne Maxamed C/hi Far maajo oo kale heysta ay beel caalam wax u wey diisan karaan? Sidee umad islaam ah oo Alle abu urtay ay bini’aadan kale wax u weydiisan kar aan?,” ayey tiri wasiir Khadiija Diiriye.

      Waxay dadka ka dalbatay inay Ilaah tala saa rt aan, "Guud ahaan dowladda iyo xukuumadda Mad axweyne Farmaajo Shalay meel ayey soo gaar tay,” ayey tiri.

      Khadiija Maxamed Diirye ayaa lagu tiriyaa wasiirrada sida weyn ugu dhow madaxweyne Far maajo, waxayna tan iyo markii uu Farmaajo tala qabtay aheyd wasiir ka tirsan dowladda uu hogga amiyo.

Waddo Muhiim Ah Oo Ku Taalla M/ Muqdisho Oo La Dhagax Dhigay

     Ku-simaha G/G/Banaadir ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa Shalay dhagax dhigay waddada ka bilaabata Ex Hotel Shabeelle ee sii marta Beerta Nabadda ilaa iyo isbitaalka Martiini.

      Dhagax dhigida uu same eyay Axmed Xasan ayaa wax aa ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeen ada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada Gobol ka iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka.

     Waddadan Shalay la dhagax dhigay ayaa in 30-kii sano ee lasoo dhaafay aheyd mid burbur san, waxaana Maamulka G/Banaadir uu sheegay in dib u dayactirka lagu sameeynayo waddada uu muhiim u  yahay isu socodka dadka iyo Gadidka.

     Qaar badan oo kamid ah wadooyinka M/Muqd isho ayaa sanadihii lasoo dhaafay dib u dhis lagu sameeyay, waxaana wali jira wadooyin badan oo dib u dhis lagu sameyn ayna dhibaato ku qabaan dadka iyo gaadiidka.

Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho

      Is rasaaseynta ayaa waxaa uu rag hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay  ku dhex-mar tay agagaarka Isgoyska Dabka oo kala qeybiya de gmooyinka howl-Wadaag, Hodan & Waaberi ee G/Banaadir.

     Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan oo watay mooto iyo Ciidamo ka tir san kuwa NISA qeybta dharcadka ay israsaaseyn ta dhex-mratay,w axaana ku geeriyooday 3 ruux halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah ragga hubeysnaa.

     Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in dablay mooto ka degtay ay rasaas ku furtay Ciidanka Dhar-cada ah ee ilaaliya Kaamiro oyinka wadada taasna dhalisay Iska hor imaadka.

       Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragga weerarka geystay oo dhaa wac ah, waxaana muddo hakad galay isku socod ka dadka iyo Gaadiidka walow dib ay u bilaaw deen.

      Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa Magaalada Muqdisho uu iska hor-maad ku dhex-maray Cii damo ka tirsan kuwa dowladda & Xubno kamid ah Al-Shabaab, waxaana laamaha Ammaanka Soo maaliya ay sheegeen inay xoojiyeen sugida Amni

ga magaalada Muqdisho.


Shil Khasaaro Geystay Oo Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

      Faah faahino ayaa laga helayaa shil Shalay ka dhacay isgoyska Baar-ayaan ee degmada Yaa qshiid ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

       Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacad da Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu ka dam beeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano Carro-gediska ama iska rogaha uu dul-maray Mooto Bajaaj mareysay Isgoyska.

       Mootoda ayaa waxaa la sheegay inay la soc deen laba ruux  iyo Darawalkii waday, isla marka ana waxaa la tilmaamay in gaariga oo siday Carro uu ku socday xawaare ah sare, uuna Darawalka xakameyn waayay gaarigaas, sidaasina uu ku dul-maray Mootada.

      2dii ruux ee saarnaa Mootada ayaa waxaa soo gaaray dhaawac Culus, iyadoo mid xaaladiisa Caafimaad aad u liidatay, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray Mootada.

      Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa tegay goob ta, waxaana halkaas ka baxsaday Darawalkii wad ay gaariga weyn, iyadoo goobta uu falku ka dhac ay ay buux-dhaafiyeen dad farabadan.

      M/Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta Khasaaro dhim asho iyo dhaawac, waxaana dhowr jeer gaadiidka iska rogaha ama Carro geriska loo yaqaano uu ku dhacay gaadiid kala duwan, sidoo kalena galay Xarumo Ganacsi, kadib markii uu fariis goostay.

Madaxweynaha Galmudug oo Saxiixay Shuruuc Muhiim ah

       Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa madaxweynuhu ku saxiixay shuru uc muhiim ah oo kala ah:-

      Shariga Maareynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhisma ha Booliiska iyo Sharciga Dow alaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaari yey wasaaradaha kala ah; Dee gaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arr imaha Gudaha& Dowlaha hoose.

      Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybga lay Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiya ha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Bar lamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoor ka, La- taliyeyaal & Hawlwadeenno ka tirsan Mada daxtooyada.

     Madaxweynuhu wuxuu Golaha Barlamaanka iyo wasiiradda Galmudug uga mahadceliyey ans ixinta shuruucdan. isagoona xusay in shuruucdu ay gundhig u noqondoonto in sifo sharci ah xuk uumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

Jubbaland oo Kismaayo ka dhiseysa xabsi weyn

      Mas’uuliyiin ka tirsan W/Caddaaladda Garso orka iyo Arrimaha Diinta D/G/Jubbalaand ayaa ko rmeer shaqo ku tagay halka dhawaan laga dhisi doona xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo.

     Kormeerkaan ayaa daar anaa sidii loo baadhi lahaa cabirka uu ku fadhiyo boos ka la rabo in laga dhiso dhismaha xabsiga, kaasoo lagu wado in si toosa loo guda galo dhismihiisa sanadka cusub ee foodda inagu soo haya haddii lagu guuleysto baadhitanka la marin doono.

       Dhismaha xabsiga ayaa waxaa D/G/Jubbal aand ka caawin doonta Hay’adda UNOPS, taasoo dhawr xarumood oo kale kasoo hirgalisey D/G/y ada K/ Galbeed Soomaaliya iyo Puntland.

    Lataliyaha Wasaaradda Caddaladda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbala and Aaden Cismaan Qalooshe ayaa sheegay in qorshahaan diyaarinta Xasiga Dhexe la diyaarinay ay muda dheer balse hada uu marayo meel wan aagsan.

     Maxamed Caaqil Xirsi Taliyaha xabsiga dhexe ee M/Kismaayo ayaa dhankiisa bogaadiyey dardar ta xooggan ee uu ku socdo ka hawlgalidda dhisma ha Xabsiga kaasoo uu sheegay in waddooyin badan loo soo maray hirgalintiisa.

Puntland oo diiday in la kala diro guddiga ganacsatada

      Madaxweynaha Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi karaash ayaa buriyeey kala diristii Rugta Ga nacsiga oo uu horey ugu dhawaaqay Wasiirka Ganacsiga & Warshaddaha Puntland.

    Waxaa uu sheegay in dhammaan la joojiyay ka la dirista, islamarkaana loo baahan yahay in ay dardargaliyan shaqooyinka horyaalla.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale wasiirka iyo guddi kala dalbaday wada shaqeyn.

Halkee buu marayaa Mashru uca Wadada Muqdisho iyo Afgooye

      Mashruuca Wadada Afgooye waxaa uu u soc daa si aad u xowli ah, sawirada laga qaaday ja wiga waxaa ay muujineysaan baaxada Mashruu ca, waxaa ay dhamaan do ontaa shaqada Wadada 60 maalmood gudahood.

      Wadadan oo muhim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee M/ Muq disho iyo K/ta dalka Soo maaliya gaar ahaan mag aalada beeraha caanka ku ah ee Afgooye.

      Qaab dhismeedka laamiga cusub ee la saar ayo wadadaasi ayaa ah labo laami,oo loogu tala galay gawaarida soo socda ama kuwa sii socda ay isaga gudbaaan si fudud.

      Mashaariicdaasi ayaa dhanka kale fursad sha qo abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoo dalka horumarkiisa ay qeyb weyn ka tahay.

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Digniin Cu lus Kasoo Saaray Isbaarooyinka

      Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan  guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaa fay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo la sheegay inay ku sugn aayeen Alshabaab.

     Abaanduulaha guutada 5-aad ee ciidanka xoo gga dalka Korneyl Cabdullaahi Barre oo warbaa hinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howl galka Ciidanka la sameeyay inta u dhexeeysa deg mooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Hiiraan.

      Ujeedka howlgalka ayuu Abaanduule C/hi Bar re ku sheegay inuu ahaa sidii Al-shabaab looga sa ari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin G/Hiir aan gaar ahaan kuwa xiga dhinaca baadiyaha fog-fog.Abaanduulaha guutada 5-aad ayaa tilmaamay in kaliya Al-shabaab aysan la dagaalameyn balse ay sida Alshabaab ula dagaalami doonaan burca dda Isbaarooyinka wadada u dhigta shacabaka ee dhaca u geysta, isagoo uga digay, qofkii lagu qabt ana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waaf aqsan.

     Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27 ayaa dhowr jeer howlgalo kala oo dhan ah Al-shabaab ka sam eeyay Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas dhinac yada ku dhexmaray dagaalo geystya Khasaaro ka la duwan, sidoo kalena Al-shabaab ay qaraxyo xoogan ka fulisay Gobolka.

Sidee ayaa lagu reebay gudoomiyihii Baarla manka HirShabelle Sheekh Cusman?

      Guddoomiyihii hore ee baarlamanka HirSha beelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ku guul dareestay inuu ku soo laabto kursigiisa Xildh ibaanimo ee dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheega ya in kursigaan uu qeyb ka ahaa kuraastii ugu adkeyd ee tartanka islamarkaana qaatay waqti badan dhowrkii saacadood ee ugu dambeysay.

Kursigaan waxa ku tartamayey Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Aadan Xeefow iyo Cabdixakiin Luqmaan oo hadda ku guuleestay. Sheekh Cusm aan waxa uu ahaa Gudoomiyihii hore ee baarlam anka HirShabeelle, halka Aadan Xeefow ahaa gu ddoomiyihii hore ee Beladweyne mana soo bixin 2duba.

Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee daka Suudaan ayaa kursigaan lagu qo ray saacadihii ugu dambeeyay ee Shalayy, iyadoona sidoo kale Habeen hore kurs igaan lagu qoray Aadan Xeefow, basle waxaa laga badalay Shalayy kadib cadaadis badan oo la saaray ugaaska beesha.

      Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso Cabdixakiin Luqmaan, islamarkaana ay la rabto guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle, taasina ay sababtay in meesha laga saaro Sheekh Cus mana Barre oo aan kalsooni badan ku qabin Villa Somalia.

     "Shalay aroortii hore ayaa Ugaaska lagu cada adiyay inuu beddalo Aadan Xeefow, waxaana loo keenay magaca Cabdixakiin oo Habeen hore iyo Dorraadba qorshaha ku jirin meeshana oolin,” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta guddiga farsa mada ee soo xulista baarlamanka HirShabeelle.

Cabdixakiin Luqmaan, waxa uu ka tirsanaa Safa aradda Soomaaliya ee dalka Suudaan waxa uuna madaxa ka ahaa qeybta ganacsiga ee Safarada.

      Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay aad isugu fiicnaayeen mas’uuliyiinta dowladda Soom aaliya gaar ahaan kuwa madaxtooyada islamark aana ay siyaasiin culus gadaal ka riixeen si loo si iyo kursigaan.

 Faahfaahin Qarax ka dhacay Qansaxdheere

     Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay D/Qansaxdheere ee G/Bay sid da ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

     Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu watay Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere, wa xaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

     3 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay D/Qansaxdheere, Gudoomiyaha degmada ayaa ku dhawacmay.

      Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda, sidoo kale labo oo shacab ah oo mid ka mid ah uu la shaqeyna yay hay’ad gargaar

Karaash oo buriyay Warqad ka soo ba xday Wasiirka Ganacsiga Puntland

       Madaxweyne ku xigeenka D/puntland, ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa buriyay warqad ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga Puntland, taas oo lagu kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland. Dikreeto ka soo bax day xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, oo lagu socod-siiyay Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, islamarkaana la ogaysiiyay Madaxweyne Deni, ayaa lagu buriyay warqaddii kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga Puntland.

    Wasiirka C/hi Cabdi Xirsi, ayaa Madaxweyne ku xigeenku amar ku siiyay, in uu ka laabto warqaddii kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga, waxa ana Guddiga lagu wargeliyay in ay shaqadooda sii wataan, inta ay ka dhammaanayaan doora shooyinka Soomaaliya.

     Kala diristii uu Wasiirka Ganacsiga Puntland kula kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsi ga Punntland ayaa dhalisay khilaaf iyo isqabqabsi u dhexeeya Wasaaradda iyo Maamulka Rugta Ganacsiga.

      14-kii bishan October Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland C/hi Cabdi Hirsi ayaa kale diray Gudigii Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Puntland, isaga oo ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorasho.

      15-kii bishan October Maamulka Rugta Ganac siga Puntland ayaa ka hortimid, kuna tilmaamtay faragelin aan sharci ahayn go’aankii Wasiirka Gan acsiga Puntland.

      27-kii bishan October, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa ku simaha Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha u mac agaabay Maxamed Cali Axmed.

     28-kii bishan October Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Puntland ayaa magacaabay Guddiga doorashada Rugta Ganacsiga iyo Puntland.

29-kii bishan October, Rugta Ganacsiga ayaa Baa rlamaanka Puntland u soo jeedisay inay toosin u sameeyaan Wasaaradda Ganacsiga, iyadoo xust ay in aysan awood u lahayn magacaabista la xiriir ta Guddiga doorashada iyo Xoghayaha guud.

Aktarkii ugu horeeyay aflaamta 007 James Bond oo geeriyooday

     Sir Sean Connery oo ahaa aktarkii ugu horee yay aflaamta caanka ah ee 007 James Bond ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ahaa. Sean Connery ay aa bilado badan ku guuleystey intii uu ku gudo jirey jilista aflaamta wa xaana ka mid ahaa aflaamtii uu jil ey ee caalamka caanka ka noqd ay The Hunt for Red October, Indi ana Jones and the Last Crusade iyo The Rock.

    Filimkii ugu horeeyay ee caan noqday ayaa wa xa uu ahaa filim uu jilayay burcadnimo No Road Back oo la sameeyay sanadkii 1957dii. Jilaagan Scotishka ahaa ayaa aflaamtii James Bond ayaa illaa 7 filim oo ahaa kuwa basaasnimada aktar ka soo noqday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip