Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho

0
Sunday November 01, 2020 - 07:38:14 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho

    Is rasaaseynta ayaa waxaa uu rag hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku dhex-martay agagaarka Isgoyska Dabka oo kala qeybiya degmooyinka howl-Wadaag, Hodan & Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is rasaaseynta ayaa waxaa uu rag hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku dhex-martay agagaarka Isgoyska Dabka oo kala qeybiya degmooyinka howl-Wadaag, Hodan & Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan oo watay mooto iyo Ciidamo ka tirsan kuwa NISA qeybta dharcadka ay israsaaseynta dhex-mratay,w axaana ku geeriyooday Saddex ruux halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah ragga hubeysnaa.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in dablay mooto ka degtay ay rasaas ku furtay Ciidanka Dhar-cada ah ee ilaaliya Kaamirooyinka wadada taasna dhalisay Iska hor imaadka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragga weerarka geystay oo dhaawac ah, waxaana muddo hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow dib ay u bilaawdeen.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa Magaalada Muqdisho uu iska hor-maad ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & Xubno kamid ah Al-Shabaab, waxaana laamaha Ammaanka Soomaaliya ay sheegeen inay xoojiyeen sugida Amniga magaalada Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip