Aktarkii ugu horeeyay aflaamta 007 James Bond oo geeriyooday (Sawiro)

0
Saturday October 31, 2020 - 22:54:09 in Wararka by
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aktarkii ugu horeeyay aflaamta 007 James Bond oo geeriyooday (Sawiro)

    Sir Sean Connery oo ahaa aktarkii ugu horeeyay aflaamta caanka ah ee 007 James Bond ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ahaa. Sean Connery ayaa bilado badan ku guuleystey intii uu ku gudo jirey jilista aflaamta waxaana ka mid ahaa aflaamtii uu jiley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sir Sean Connery oo ahaa aktarkii ugu horeeyay aflaamta caanka ah ee 007 James Bond ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ahaa. Sean Connery ayaa bilado badan ku guuleystey intii uu ku gudo jirey jilista aflaamta waxaana ka mid ahaa aflaamtii uu jiley ee caalamka caanka ka noqday The Hunt for Red October, Indiana Jones and the Last Crusade iyo The Rock. Filimkii ugu horeeyay ee caan noqday ayaa waxa uu ahaa filim uu jilayay burcadnimo No Road Back oo la sameeyay sanadkii 1957dii. Jilaagan Scotishka ahaa ayaa aflaamtii James Bond ayaa illaa 7 filim oo ahaa kuwa basaasnimada aktar ka soo noqday. Biladaha uu ku guuleystey ayaa waxaa ka mid ahaa Oscar,Labo biladood oo Bafta ah iyo Saddex biladood oo Golden Globes. Aflaamta 007 James Bond ayaa aad looga daawan jirey sanadihii lixdamaadkii illaa siddeetameeyadii dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Shineemooyinka aadka looga daawan jirey filimada James Bond ayaa waxaa ka mid ahaa Shineemo Hodon,Ceel-Gaab,Centrale,Missione,Xamar,Benadir,Ekwatore iyo qaar kale. sawiarada sean conary ee aflaamtii James Bond

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip