Ra'iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa

0
Saturday October 31, 2020 - 22:20:49 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulammo kula yeeshay Madaxda iyo masuuliyiin hay’adahan goobahooda shaqada, isagoona ka dhageystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo Xukuumadda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida. =DHAMMAAD=



BG5I2293 copy
BG5I2285
281A9374
281A9410 copy
BG5I2239
BG5I2310
BG5I2342
BG5I2226
BG5I2360
BG5I2331
BG5I2391
BG5I2397
BG5I2279
BG5I2427
BG5I2411
281A9459
BG5I2377 copy
BG5I2390



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip