Jubbaland oo Kismaayo ka dhiseysa xabsi weyn

0
Saturday October 31, 2020 - 16:38:03 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubbaland oo Kismaayo ka dhiseysa xabsi weyn

    Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Garsoor ka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbalaand ayaa kormeer shaqo ku tagay halka dhawaan laga dhisi doona xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo. Kormeerkaan ayaa ahaa sidii loo baa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Garsoor ka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbalaand ayaa kormeer shaqo ku tagay halka dhawaan laga dhisi doona xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo. Kormeerkaan ayaa ahaa sidii loo baadhi lahaa cabirka uu ku fadhiyo booska la rabo in laga dhiso dhismaha xabsiga, kaasoo lagu wado in si toosa loo guda galo dhismihiisa sanadka cusub ee foodda inagu soo haya haddii lagu guuleysto baadhitanka la marin doono.

Dhismaha xabsiga ayaa waxaa Dowlad goboleedka Jubbalaand ka caawin doonta Hay’adda UNOPS, taasoo dhawr xarumood oo kale kasoo hirgalisey Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Puntland.

     La taliyaha Wasaaradda Caddaladda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbalaand Aaden Cismaan Qalooshe ayaa sheegay in qorshahaan diyaarinta Xasiga Dhexe la diyaarinayay muda dheer balse hadda uu marayo meel wanaagsan.

     Maxamed Caaqil Xirsi Taliyaha xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo ayaa dhankiisa bogaadiyey dardarta xooggan ee uu ku socdo ka hawlgalidda dhismaha Xabsiga kaasoo uu sheegay in waddooyin badan loo soo maray hirgalintiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip