Aqalka Cad oo soo saaray go'aan saameynaya Soomaalida

0
Saturday October 31, 2020 - 16:35:08 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka Cad oo soo saaray go'aan saameynaya Soomaalida

    Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ayaa Soomaaliya loogu tilmaamay iney ka mid tahay meelaha aadka ay ugu xoogan yahiin kooxaha argagixisada, sidaas darteed cudur daar beni'aadanimo oo gaar ah ayaa looga baahnaan doonaa qofka Soomaaliga ah ee qaxooti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ayaa Soomaaliya loogu tilmaamay iney ka mid tahay meelaha aadka ay ugu xoogan yahiin kooxaha argagixisada, sidaas darteed cudur daar beni'aadanimo oo gaar ah ayaa looga baahnaan doonaa qofka Soomaaliga ah ee qaxooti ahaanta ku galaya Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo horey u muujiyey sida uu u neceb yahay soo galootiga ay Soomaalida ku jiraan. ayaa hoos u dhigay qaxootiga galaya waddankiisa, sida ku cad qoraalka kasoo baxay aqalka cad toddobaadkii tegay. Bayaanka waxaa lagu sheegay in wadanka Mareykanka loo ogolaan doono sanadkii kaliya 15-kun oo qofood iney soo galaan, 4 kun oo ka mid ah waxey ka imaanayaan dalka Ciraaq, halka wadamada El Salvador, Guatemala iyo Honduras ay ka imaanayaan kun.

Mareykanka ayaa horey looga mamnuucay shacabka toddoba dal oo Soomaaliya ay ku jirto, hase yeeshee waxaa jiray kiisas kooban oo dadka qaar loogu ogolaaday inay soo galaan.

 

Trump ayaa sidoo kale marar badan weeraray Soomaalida, isaga oo ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Go’aanka cusub ee Trump ayaa ah kii ugu adkaa ee sanado Mareykanka kula macaamilo qaxootiga, waxaan Trump uu soo galootiga la ogol yahay kusoo reebay kaliay 15 kun, halka xiligii Obama ay dalka iman jiraan dad ka badan 100 kun.

Soomaali badan oo si joogto ah looga soo qaadi jiray xeryaha qaxootiga Kenya, ayaa la joojiyey afartii sano ee uu xukunka hayey Trump.

Si kastaba, go’aanka cusub ee Trump ayaa kusoo koobmi kara kariya bilo, maadaama Donald Trump aan la hubin nuu kusoo laaban doono xilka madaxtinimada Mareykanka, wuxuuna wajahayaa loolan adag oo kaga imaanaya Joe Biden oo ah musharaxa u taagan xisbiga dimoqoraadiga.

Donald wuxuu cadaadis badan saaray dadka u dhashay wadamada dadkooda Muslimiinta yahiin oo ay ku jirto Soomaaliya, walina kama tanaasulin inuu cadaadiska kusii badiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip