Biden:"Trump ceeb ayay ku tahay inuu Soomaalida argagixiso ku tilmaamo"
Joe Biden iyo Madaxweyne Trump ayaa wada ololohoodii ugu dambeeyay iyagoo is dhaafsanaya hadallo adagag oo aanu waxba la iskugu harin.
Madaxweyne Trump ayaa Minnesota 4 sannadood ka hor ku guul dareeystay 44,000 oo cod waana mid ka mid ah gobollada uu sannadkan doonaya inuu ka helo taageerayaal u janjeera dhanka xisbiga Republican-ka.
Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2017 waxa uu xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogay muwaadiniinta dhawr waddan oo u badan Muslimiin oo Soomaaliya ay ku jiro.
Madaxweyne Trump ayaa saxiixay sharci muran dhaliyay toddobo maalmood uun ka dib markii xilkaasi loo dhaariyay bishii Janaayo sanadkii 2017, waxa uuna ku doodayay in sharcigaasi uu muhiim u yahay ilaalinta danaha Mareykanka.
Waddamada uu horaan Trump xayiraadda ku soo rogay waxaa ka mid ahaa Soomaaliya, Iiraan, Liibiya, Suuriya, Yaman, Venezuela iyo Kuuriyada Woqooyi.
Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololahiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka waxa uu aad u eedeeyay dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay Mareykanka ku faafinayaan xagjirnimo iyo argagaxisnimo.
Trump waxa uu xitaa gaaray in ay isku dhacaan Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah xildhibaannada Kongareeska Mareykanka.
Xigasho;BBC
Biden:"Trump ceeb ayay ku tahay inuu Soomaalida argagixiso ku tilmaamo"
Joe Biden ayaa booqday gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin soogalootiga waxa uuna halkaasi ka jeediyay khudbad 22 daqiiqo oo ay ka mid ahaayeen hadallo lagu dhaleeceynayo nacaybka Trump uu qabo dadka oo galootiga ah. Haatan Biden ayay suurogal