Sheekada Malyan Dheer "Chris Gardner"

0
Saturday October 31, 2020 - 16:18:52 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekada Malyan Dheer "Chris Gardner"

    Waxay ahayd 1980-maadkii, markii Chris Gardner, oo ahaa xilligaas 27 sano jir,oo ay wehliyaan cunuggiisa iyo xaaskiisa ay hoy la'aan ku noolaayeen San Francisco iyaga oo seexan jiray darbiyada. Arrintan ayaa lamaanahan iyo canuggooda la soo gud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay ahayd 1980-maadkii, markii Chris Gardner, oo ahaa xilligaas 27 sano jir,oo ay wehliyaan cunuggiisa iyo xaaskiisa ay hoy la'aan ku noolaayeen San Francisco iyaga oo seexan jiray darbiyada. Arrintan ayaa lamaanahan iyo canuggooda la soo gudboonaatay kaddib markii laga saaray gurigii ay deganaayeen oo kirada ay bixin waayeen. Mararka qaar waxay seexan jireen meelaha gawaarida la dhigto iyo nawaaxiga kaniisadaha.

Waxay cuni jireen cuntada la soo daadiyo, lacagta yar ee maalintii uu helana wuxuu ku bixin jiray iskuul uu wiilkiisa geeyay.

Dhibkaasi aawadii, Gardner wuxuu ku dadaalay inuu shaqo helo. Wuxuu billaabay in uu shirkad ka caawiyo iibinta saamiyada.

Tababar kaddib, maamulihii shirkadda DWR, ayuu ka shaqo bilaabay. Taas oo u fududeysay inuu guri kireysto. Shaqadiisa ayaana kor u kacday.

Sanadkii 1987-dii, wuxuu furtay shirkad maalgashi oo uu isaga u gaar ah taas oo uu ugu magacdaray, Gardner Rich.

Hadda, Gardner waa 66 jir, dhaqaalihiisuna waxa uu gaarayaa 60 milyan oo dollar.

Dunida oo dhan ayuu u safraa, wuxuuna noqday qof jeediya hadallada dhiiragelinta leh.

Wuxuu maal geliyaa hay’adaha caawiya dadka guri la’aanta ah iyo hay’adaha ka hortaga xadgudubka ka dhanka ah dumarka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip