Doorasho lagu muransanyahay oo ka bilaabatay dalka Ivory Coast

0
Saturday October 31, 2020 - 16:13:10 in Wararka by
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho lagu muransanyahay oo ka bilaabatay dalka Ivory Coast

    A voter casts his ballot at a polling station in Abobo, a suburb in Abidjan, on October 31, 2020, during Ivory Coast's presidential elections. (Photo by Issouf SANOGO / AFP) Doorasho madaxtinimo oo aad loogu muransanyahay ayaa maanta ka bilaabat

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A voter casts his ballot at a polling station in Abobo, a suburb in Abidjan, on October 31, 2020, during Ivory Coast's presidential elections. (Photo by Issouf SANOGO / AFP) Doorasho madaxtinimo oo aad loogu muransanyahay ayaa maanta ka bilaabatay dalka Ivory Coast oo ku yaalla galbeedka Afrika. Dadka ayaa saakay safaf dhaadheer u galay goobaha cod-bixinta, ayadoo ay jirto cabsi ah in rabashado dhacaan. Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday doorashadaan, waxaana ay sharci darro ku tilmaameen in madaxweynaha talada haya Al-Xasan Wataara uu markiisii seddaxaad is sharaxo.

Musharaxiinta mucaaradka oo kala ah madaxweynihii hore Heneri Konan iyo Paskal Affil oo ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka, waxayna dadka ka codsadeen inay doorashada diidaan oo aysan ka qeyb galin, inta uu sharaxanyahay madaxweynaha talada soo hayey mudada dheer.

Afar musharax oo kale oo madaxbanaan ayaa ku jira liiska musharaxiinta u tartamaysa xilka madaxtinimada dalka Ivory Coast.

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ayaa u ogolaatay madaxweyne Al-Xasan Wataara inuu mar saddexaad tartamo, waxaana uu xafiiska joogay tan iyo sanadkii 2010-kii.

Cabsida la qabo ayaa ah in dalkaasi ay ka dhacaan rabshado lamid ah kuwii dhacay sanadkii 2010-kii, oo ay ku geeriyoodeen illaa 3 kun oo qof oo reer Ivory Coast ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip