Golaha Shacabka oo maanta mudo kordhin u sameeyey guddiga xaduudaha Qaranka

0
Saturday October 31, 2020 - 16:09:46 in Wararka by
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Shacabka oo maanta mudo kordhin u sameeyey guddiga xaduudaha Qaranka

    Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw u codeeyey in guddiga xaduudaha Qaranka watigiisa loogu daro 4-sano oo dheeri ah. Muddo xileedkii guddigan ayaa dhamaaday bil ka hor, waxaana maanta loo ogolaaday xubaha guddiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw u codeeyey in guddiga xaduudaha Qaranka watigiisa loogu daro 4-sano oo dheeri ah. Muddo xileedkii guddigan ayaa dhamaaday bil ka hor, waxaana maanta loo ogolaaday xubaha guddigaas inay sii shaqeeyaan afarta sano ee soo socota. Cusbooneysiinta guddigaan ayaa timid kaddib markii wax ka bedel lagu sameeyey qodobka 10-aad ee sharciga dhismaha guddigaan. 145 xildhibaan oo maanta soo xaadirtay kulanka ayaa wada ogolaaday in guddigan uu sii jiro afarta sano ee soo socota, wax diiday iyo wax ka aamusay toona ma jiraan.

Ajendayaasha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka koobnaa afar qodob oo kala ah,

1-U codeyta W/B Sharciga Hantidhawraha Guud ee Dawladda.

2-U codeyta W/B Qodobka 10aad ee Sharciga GMXF.

3-Akh1aad H/Sh Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.

4- Iyo Akh 2aad H/Sh Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada Dadweynaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip