Soomaaliya oo kaalinta 1aad ka gashay waddamada isla xisaabtan la'aanta danbiyada laga galo warfidiyeenka

0
Saturday October 31, 2020 - 15:48:08 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo kaalinta 1aad ka gashay waddamada isla xisaabtan la'aanta danbiyada laga galo warfidiyeenka

    Horumarka aan cagaha badan ku taagneyn ee laga sameeyay yareynta dilalka daafaha caalamka loogu geysto weriyayaasha ayaa waxaa hakin kara racfaanno dhanka sharciga ah iyo hogaan la'aan siyaasadeed, sida lagu ogaaday warbixin cusub oo ay maanta d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka aan cagaha badan ku taagneyn ee laga sameeyay yareynta dilalka daafaha caalamka loogu geysto weriyayaasha ayaa waxaa hakin kara racfaanno dhanka sharciga ah iyo hogaan la'aan siyaasadeed, sida lagu ogaaday warbixin cusub oo ay maanta daabacday hay'adda Committee to Protect Journalists (CPJ). Tusmada la xisaabtan la'aanta caalamiga ah ee CPJ 2020 ayaa diiradda lagu saaray dalalka sida joogtada ah weriyayaasha loogu dilo, kuwa dilana aan lala xisaabtamin.

Tusmada caalamiga ah ee sanadka kasta ay CPJ ka diyaariso la xisaabtan la’aanta ayaa markale sanadkan waxaa kaalimaha hore ka galay Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Suudaanta Koonfureed xilli dagaallo iyo xasillooni la’aan siyaasadeed ay sii hurinayaan colaadaha iyo sharci la’aanta ka taagan waddamadaas.

Sidoo kale, tusmada waxaa sanad kasta ku jira dalal xasilloon, kuwaas oo burcad, ururo siyaasadeed, siyaasiyiin, ganacsato iyo shakhsiyaad kale oo awood leh ay doorbidaan in hab gacan ka hadal ah ay ku aamusiyaan weriyayaasha dabagalka ku sameeya.

CPJ ayaa ogaatay in musuq-maasuqa, hay’adaha dowliga ee tabarta daran iyo in aanu jirin rabitaan siyaasadeed oo lagu dardar gelinayo baaritaannada ay dhammaantood gacan ka geystaan isla xisaabtan la’aanta ka jirta dalalkaas oo ay kamid yihiin Pakistan, Mexico iyo Philippines.

Tusmada la xisaabtan la’aanta caalamiga ah ayaa sanad kasta la shaaciyaa 2-da Nofembar oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Soo Afjaridda Isla Xisaabtan La’aanta Dembiyada ka dhanka ah Weriyayaasha.

Qaabka loo diyaariyay tusmada ayaa ah in CPJ ay xisaabiso tirada dilalka loo geysto weriyayaasha ee aan xal loo hellin, iyada oo u eegaysa boqollayda ay dilalkaasi ka yihiin tirada dadka ku nool waddankaas. Tusmadan hadda, CPJ ayaa daraasad ku samaysay dilalkii dhacay mudadii u dhexaysay 1-dii Sebtembar 2010 illaa 31-kii Agoosto 2020




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip