Shil Khasaaro Geystay Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
Saturday October 31, 2020 - 15:31:16 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Khasaaro Geystay Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

    Faah faahino ayaa laga helayaa shil Goordhow ka dhacay isgoyska Baar-ayaan ee degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino ayaa laga helayaa shil Goordhow ka dhacay isgoyska Baar-ayaan ee degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano Carro-gediska ama iska rogaha uu dul-maray Mooto Bajaaj mareysay Isgoyska. Mootoda ayaa waxaa la sheegay inay la socdeen laba ruux iyo Darawalkii waday, isla markaana waxaa la tilmaamay in gaariga oo siday Carro uu ku socday xawaare ah sare, uuna Darawalka xakameyn waayay gaarigaas, sidaasina uu ku dul-maray Mootada.

     Labadii ruux ee saarnaa Mootada ayaa waxaa soo gaaray dhaawac Culus, iyadoo mid xaaladiisa Caafimaad aad u liidatay, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray Mootada.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa tegay goobta, waxaana halkaas ka baxsaday Darawalkii waday gaariga weyn, iyadoo goobta uu falku ka dhacay ay buux-dhaafiyeen dad farabadan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta Khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhowr jeer gaadiidka iska rogaha ama Carro geriska loo yaqaano uu ku dhacay gaadiid kala duwan, sidoo kalena galay Xarumo Ganacsi, kadib markii uu fariis goostay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip