Taliska Ciidanka Xoogga Oo Digniin Culus Kasoo Saaray Isbaarooyinka

0
Saturday October 31, 2020 - 15:11:06 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Xoogga Oo Digniin Culus Kasoo Saaray Isbaarooyinka

    Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo la sheegay inay ku sugnaayeen Alshabaab. Abaanduulaha guutada 5-aad ee ciidanka xoogga dalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo la sheegay inay ku sugnaayeen Alshabaab. Abaanduulaha guutada 5-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Cabdullaahi Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidanka la sameeyay inta u dhexeeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee Hiiraan.

Ujeedka howlgalka ayuu Abaanduule Cabdullaahi Barre ku sheegay inuu ahaa sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa xiga dhinaca baadiyaha fog-fog.

Abaanduulaha guutada 5-aad ayaa tilmaamay in kaliya Al-shabaab aysan la dagaalameyn balse ay sida Alshabaab ula dagaalami doonaan burcadda Isbaarooyinka wadada u dhigta shacabaka ee dhaca u geysta, isagoo uga digay, qofkii lagu qabtana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27 ayaa dhowr jeer howlgalo kala oo dhan ah Al-shabaab ka sameeyay Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas dhinacyada ku dhexmaray dagaalo geystya Khasaaro kala duwan, sidoo kalena Al-shabaab ay qaraxyo xoogan ka fulisay Gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip