Chelsea Oo Heshiis Laba Sano Ah U Soo Bandhigtay Xidiga PSG Ee Zlatan Ibrahimovic Iyo Heshiiskaas Oo Uu Ibra Ku Helayo Lacag Qaali Ah
Zlatan Ibrahimovic ayaa sabab u ahaa in Chelsea ay ka hadho Champions Leaque-ga kadib markii uu joog dheeraha ree Sweden uu Blues shabaqa kaga soo taabtay marti iyo minanba. Laakiin taasi Chelsea kama hor joogsanayso in ay soo xero galiso Ibrahimovic oo dhamaadka xili ciyaareedkan si xor ah oo bilaash ah kaga tagaya kooxdiisa hadda eeParis Saint-Germain.
HeshiiskaZlatan Ibrahimovic ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan waxaana la filayaa in 34 jirkani uu dhamaadka xili ciyaareedkan raadsan doono koox cusub. Ibrahimovic oo hore uga soo ciyaaray kooxaha Malmo, Ajax, Juvnetus, AC Milan, Inter Milan, Barcelona iyo PSG ayaa markale la filayaa in uu ka soo muuqdo koox magac leh marka uu ka baxo PSG.
Laakiin sida ay ku warantayFootmercato kooxda Chelsea ayaa Ibrahimovic u soo bandhigtay heshiis laba sano ah oo uu ku helo lacag ku dhaw£20 milyan oo gini. Warka ayaa intaa ku daraya in Chelsea ayZlatan Ibrahimovic u soo badhigtay dalab uu sanadkii mushaar ahaan ugu qaadanayo £9.75 milyan gini taas oo Ibrahimovic u ogaanaysa in uu Stamford Bridge laba sano ku qaato 19.5 milyan gini.
Laakiin Chelsea ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysaZlatan Ibrahimovic waxaana xaalada xidigan la socda kooxaha horyaalka Marakynka ee MLS iyo kooxaha ree China. Waxa kale oo xiisaynaya Manchester United iyo AC Milan.
Chelsea Oo Heshiis Laba Sano Ah U Soo Bandhigtay Xidiga PSG Ee Zlatan Ibrahimovic Iyo Heshiiskaas Oo Uu Ibra Ku Helayo Lacag Qaali Ah
Zlatan Ibrahimovic ayaa sabab u ahaa in Chelsea ay ka hadho Champions Leaque-ga kadib markii uu joog dheeraha ree Sweden uu Blues shabaqa kaga soo taabtay marti iyo minanba. Laakiin taasi Chelsea kama hor joogsanayso in ay soo xero galiso Ibrahimovic