Khabib Nurmagomedov: Banaynta aflagaadada Nabiga waxay dhaawacday quluubta 1.5 bilyan oo muslimiin ah.

0
Saturday October 31, 2020 - 14:48:56 in Wararka by
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabib Nurmagomedov: Banaynta aflagaadada Nabiga waxay dhaawacday quluubta 1.5 bilyan oo muslimiin ah.

    Feeryahanka haatan howlgabka noqday ee Khabib Nurmagomedov ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku dhaleeceeyay jawaabta uu ka bixiyay labo weerar oo argagixiso ah oo ka dhacay dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Feeryahanka haatan howlgabka noqday ee Khabib Nurmagomedov ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku dhaleeceeyay jawaabta uu ka bixiyay labo weerar oo argagixiso ah oo ka dhacay dalkaasi.

Saddex qof ayaa lagu dilay magaalada Nice khamiistii, laba toddobaad uun ka dib markii macallin qoorta looga jaray xaafad ka tirsan magaalada Paris.

Nurmagomedov, oo muslim ah, ayaa baraha bulshada u adeegsaday inuu ku eedeeyo Macron "waxa uu sheegay inuu Macron dhaawacay dareenka in ka badan 1.5 bilyan oo Muslimiin ah.”

Eeseynta ka dhanka Macron ee Nurmagomedov soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa ku jiray kaba boot ah oo uu ku sawiran yahay wajiga Macron.

Nurmagomedov wuxuu intaas ku daray: "Waxaan nahay dad Muslimiin ah, waxaan jecel nahay Nabigeena Muxamed NNKH inka badan inta aanu jecelnahay hooyooyinkeena, aabayaasheen, caruurteena, xaasaskeena iyo dhamaan dadka kale ee ku dhow qalbiyadeena.”



Khabib Nurmagomedov

Madaxweyne Macron ayaa weerarka mindida loo adeegsaday ku tilmaamay weerar Argagixiso ah oo Islaami ah.

Madaxweyneha Faransiiska ayaa mar sii horreeysay sheegay hadal ka careeysiiyay dalalka Muslimiinta ka dib markii la gowracay macallin ardaydiisa tusay sawir ku saabsan Nabi Muxamed NNKH.

Macron ayaa si xooggan u difaacay sawirada uu macalinka ardeydiisa tusay, waxa uuna sheegay iney xorriyatul qowlka ka mid ah.

Sawiradda Nabi Muxamed NNKH waxay muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sababtoo ah dhaqanka Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nabiga iyo Allaah SW.

Khabib Nurmagomedov oo u dhashay dalka Ruushka ayaa Toddobaadkii hore garaacay ustin Gaethje intii lagu guda jiray wareegga labaad ee cayaarta. Labada lugood ayuu luqunta uga qabtay taasi oo horseedday inuu Justin Gaethje gacanta taago oo uu is dhiibo.

Guushaan ayaa waxay u ahayd mid muhiim ah, oo 29 kulan ayaanan laga badin, wuxuu sidoo kale ku guuleystay 155 koob oo ah feerka fudud.

Waa kuma Khabib Nurmagomedov – ninka Muslimka ah ee dhiniciisa dhulka la dhigi waayay

Khabib Nurmagomedov


1988 ayuu ku dhashay Dagestan oo ku taalla gobolka waqooyiga kawkasaska ee Ruushka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qowmiyadda Avar.

Aabihiis Abdulmanap waa ruug caddaa magac ku leh milateriga oo baray legdenka – waana cayaar aad looga cayaaro gobolkaas Ruushka ku yaalla – wixii ka dambeeya marka ay ilmuhu gaaraan da’da 8aad.

Abdulmanap wuxuu dabaqa hoose ee dhismaha uu degganaa ee magaalada Kirovaul uu ka dhigay meel jir dhiska lagu sameeyo (Gym), halkaasoo Nurmagomedov uu ka billaabay inuu si dhab ah u barto xirfadda dagaalka.

Taasi waxay ahayd billowgii hawl wakhti dheer qaadatay oo Abdulmanap uu ku hormariyey rag sida loo dagaallamo bartay.

Xigasho:BBCSomali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip