Afheen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan daad-gureynta Muwaadiniinta Hindida ah, waxaana la tilmaamay 10 xubnood ay noqoneyso qeybta koowaad ee qaadayo.

Sidoo Afhayeenka oo lagu magacaabo Anurag Srivastava oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in muwaadiniinta Hindida ah aysan 10 bilood wax mushaar ah ka qaadan Shirkad ay u shaqeynayeen intii ay ku sugnayeen Muqdisho.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Wasaaradda ayaa waxaa uu tilmaamay in Shirkadda ay u shaqeynayeen muwaadiniinta hindida laga qaadi doono lacagtii Mushaarka aheyd ee lagu leeyahay.

"Wadahadal kadib, madaxda shirkadda waxay isku raaceen in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan muwaadiniinta Hindida ah, waxay kaloo sheegeen inay fududeynayaan shaqsiyaadka Hindida ah ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan” ayuu yiri Anurag Srivastava.