Ra'iisul wasaaraha Liibiya oo dib uga laabtay go'aankiisii iscasilaadda

0
Saturday October 31, 2020 - 13:51:13 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaaraha Liibiya oo dib uga laabtay go'aankiisii iscasilaadda

    Ra'iisal wasaaraha Liibiya Fayez al-Serraj ayaa dib uga laabtay go'aankiisii ahaa inuu iscasilo, wuxuuna kusii nagaan doonaa xafiiska ilaa inta laga soo afjarayo wadahadallada siyaasadeed ee ka socda Libya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaaraha Liibiya Fayez al-Serraj ayaa dib uga laabtay go'aankiisii ahaa inuu iscasilo, wuxuuna kusii nagaan doonaa xafiiska ilaa inta laga soo afjarayo wadahadallada siyaasadeed ee ka socda Libya.

Howlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya iyo baarlamaanka Liibiya ayaa ayaa ugu baaqay al-Serraj inuu dib u dhigo go’aankiisa.

Bishii Sebtembar, al-Serraj wuxuu ku dhawaaqay "rabitaankiisa dhabta ah” inuu ku wareejiyo xilka hey’adda fulinta ee xigta ugu dambeyn dhammaadka Oktoobar,taas oo qayb ka ah heshiiska taariikhiga ah ee lagu soo afjarayo khilaafaadka sanadaha badan ka dhex jiray isaga iyo mucaaradka ka soo horjeeda oo uu hoggaaminayo taliyaha militariga ee jabhadda ah Khalifa Xaftar.

Labada dhinac ee dagaallamaya waxay durbaba wadahadallo ku bilaabeen hannaanka fogaan aragga ah, laakiin waxaa lagu wadaa inay wada-xaajood toos ah ku yeeshaan 9-ka Nofembar dalka Tunisia, si ay uga wada hadlaan qabashada doorashooyinka Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip