Madaxweynaha Somalia oo war ka soo saaray dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga

0
Saturday October 31, 2020 - 13:45:11 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somalia oo war ka soo saaray dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga

    Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga. Farmaajo ayaa sheegay in dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga. Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xun-tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac & iyo burbur aad u xoog badan. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.


Ugu dambeyn madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa u rajeeyey dowladda Turkiga inay Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.

 

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.6 ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 26 ruux iyo dhaawaca boqolaal kale



Madaxweynaha Somalia oo war ka soo saaray dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga
Xigasho:-casimadda.net





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip