Tirada dadka ku waxyeeloobay dhul gariirka Turkiga oo gaartay 800 oo qof

0
Saturday October 31, 2020 - 11:35:24 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dadka ku waxyeeloobay dhul gariirka Turkiga oo gaartay 800 oo qof

    Ugu yaraan 26 ruux ayaa geeriyootay 800-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay'adda Maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga. Guddoomi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 26 ruux ayaa geeriyootay 800-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay'adda Maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga. Guddoomiyaha Gobolka Izmir Yavuz Selim Kosger ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah ay soo badbaadiyeen 100, qof oo ku hoos jiray dhismayaasha dumay, waxaan ay weli ku howlanyihiin sidii loo baadi goobi lahaa dadka kale ee ku haray daaraha bur buray.

Duqa magaalada Izmir Tunc Soyer ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 guri uu bur buriyay dhul giriirka, isagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul giriirka ay tahay degmooyinka Bayrakli iyo Bornova ee Gobolka Izmir.

Wasiirka Deegaanka ee dalka Turkiga Murat Kurum ayaa sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip